|
berberatoday.com
Shil Kadhashay Laba Baabuur Oo Isku Dhacay Oo Kadhacay Duleeda Tuulada Geelookor Oo Sababay Dhimashada Afar Ruux Iyo Dhaawac Tiro Kaloo 10 Qof Kudhaw
September 7, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Shil ka dhashay laba baabuur oo isku dhacay ayaa keenay dhimasho 4 Ruux oo dhamaantood Raga ah Iyo dhaawaca 10 Ruux oo Kale oo Isugu Jira Haween iyo Rag Dhalinyaro Ah ayaa kadhacay duleedka Tuulada Geelookor oo Masaafo 30KM ah Ujira Magaalada Berbera Kuna Taala Jidka isku xidha Berbera iyo Burco.
Gaadiidka isku dhacay ayaa kala ahaa gaadhi Nooha dhuxulay Ah islamrkaana Dhuxul siday iyo Gaadhi Bas Yar Ah(Mini Bus) ah oo ay sarnayeen dhalinyaro dalxiis ah oo ka yimi magalaada Hargaysa gaar ahaan xaafada qudhac dheer oo kusii jeeday Degmada Buurlayda ah ee Sheekh.
Shilkan baabuur ayaa Markii uu dhacay Waxa Gurmad Deg Deg Ah Ufiyay Islamarkiibana Goobta shilku kadhacay tagay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed. Xoghayaha maamulka dawlada Hoose Ee Degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cade Iyo Ciidamada Nabad galiyada wadooyinka iyo kuwa booliska oo uu hogaaminayo Taliyaha Qeybta Booliska Berbera.
waxaanay Masuuliyiintani gacmohooda kusoo gureen Meydka iyo dgawaca shilkan ku waxyeeloobay oo hada yaala Cisbataalka Guud ee Berbera oo kuwii Geeriyoodayna Talaagada Meydka lagu riday si loola Sugo dadkii ay Ka dhasheen iyo Eheladoodii halka Kuwii Dhaawacmay oo dhaawacyo culus qabana lagu dabiibayo Cisbataalka Berbera oo ay aad uliitaan adeegyadiisa Caafimaad oo aad moodo Laga Guureen Baaba,ay.
afarta Ruux Ee Shilkan Ku geeriyooday ayaa Sadex Kamidi saarnaayeen gaadhiga dhuxuleyda Ah ee Noohada Ah Halka Ruux Afraadna Kamida ahaa dhalinyarada Hargeysa Kasoo dalxiiska tagtay.
Cisbataalka Berbera oo waayadii Hore ahaan jiray cisbataal adeeg ahaan iyo shaqaale ahaanba dhisan oo hagaagsan ayaa hada umuuqda Mid daayac badan Ka Muuqdo oo dhinac walba ahi.
Dadka dhaawacyada ah ee shilkan ku waxyeeloobay ayaa la waayay goobo ku haboon oo la jiifiyo oo hagaagsan iyo daaweyn deg deg ah oo lasiiyo,
Tamar ahaan Maamulka caafimaadka ee Degmada Berbera way dadaalayeen hase yeeshee waxa meesha haba yaartee aan jirin Doorkii looga baahnaa Wasaarada Caafimaadka iyo Dawlada Dhexe oo Gabay Cisbataalka Berbera hadaan deg deg wax looga qabana waxa dhici doonta inaan bukaan danbe lagula hagaagi doonin Cisbataalka Berbera ee Kuyaala Magaalada Dhaqaalaha Dalka Intiisa Badani Kasoo Baxo.
dhibaatada kale ee Layaabka Lahayd ee Caawa Aanu Ku aragnay Cisbataalka Berbera Waxay ahayd In Cisbataalka Laga Wayaayay Biyo dhaawacyada Dhiiga Lagaga Maydho Kadibna Maareyaha wakaalada Biyaha oo Lala hadlay Oo Cisbataalka Keenay Biiyad Biyo ah oo Lagu Shubay berkid Kutaala Cisbataalka Dhexdiisa Qasabad socotana hadalkeedaba Daa.
May Jirin goobo Iska daa qaboojiyee ay marwaxadi kabaxayso oo dhaawacyada shilka laga keenay la dhigay halka aanay jirinba daawo cisbataalka Taala oo loogu talagay Bukaanka iyo dadka shilalka deg deg ah kusoo dhaawcma waxaana daawada nooc kasta Laga dalbanaayay Farmasiyada Suuq weynaha Berbera Waxaana la odhan Karaa Berberi Maaha Berbera La Moodayo ee Haloo Soo Gurmado Cisbataalkeeda Daayacan.
 
Labarada Labada Gaadhi Ee Isku dhacay
 
Berberatoday.com
COMMENTS
|