War Deg Deg Ah”Dekedii Berbera Oo Saaka Albaabadu Xidhan Yihiin Iyo Shaqadii Oo Taagan+Amaro Culus Oo DP World Soosaartay
September 10, 2017 - Written by Berbera Today

Dekedii Berbera Ee Camirnaan Jirtay Oo Ay Gudaheeda Sadex Qof Dhexmarayaan.
Berbera(Berberatoday.com)-Gabi ahaanba waxa saaka taagan shaqadii Dekeda Berbera iyada oo shirkada Dekeda Maamulkeeda Gacanta Ku haysa ee Xukumada Siilanyo Ka Kireysay Ee DP World amar deg deg ah kusoo rogtay ganacsatada Dekeda Berbera badeecadaha ka cashuura iyo shaqaalohooda, amarkaas oo ah inaanu Dekeda soo gali doonin Qof aan sidanin sharciyada uu ku shaqeeyo oo dhamaysturan iyo Xidhashada Qalab ay Shirkadu Ku sheegtay inuu Badbaadin uyahay dadka Dekeda ka shaqeeya ama ushaqa taga ee Hawluhu ka galaan,