Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Dib U Dhaca Doorashadu Nusqaamiyay Kalsoonidii Lagu Qabay Somaliland, Kana Hadlay Hawlaha Kaadh Qaybinta
September 10, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Md. Antonio Guterres ayaa dawladda Somaliland ugu baaqay inay damaanad qaado inaan mar kale la arag dib u dhac ku yimid doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka.
