berberatoday.com
Garoomada Kubada Cagta Ee Horseed Oo Dib Cariyayn Lagu Sameeyay Maalinta Sabtidana Xadhiga Laga Jari Doono Iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf Oo Tacab Badan Galiyay Sidii dhalinyarada Berbera Uheli Lahaayeen Goobo Ay Ku Ciyaaraan+Sawiro
September 15, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Kuwani Waa Garoomadda Mataanaha Ee Horseed Stadium Oo Ah Garoonka Keliya Ee Cagaaran Ee Ku Yaalla Berbera Kaas Oo Uu Hirgeliyay Mulkiilena Uu Ka Yahay Xildhibaan Mudane Cabdirashid Berberattii Oo Ka Mid Ah Mudanayaashii La Soo Doortay Ee Golaha Deegaanka Degmadda Berbera Isla Markaana Ah Gudoomiyaha Gudidda Arrimaha Bulshadda Kaas Oo U Xilsaaran Golaha Deegaanka Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Baahiyaha Asaasiga Ah Ee Arrimaha Bulshadda Oo Ay Ugu Wayn Tahay Jihaynta Dhallinyaradda Iyo Sidii Dhallinta Looga Mashquulin Lahaa Balwaddaha, Tahriibka Iyo Dhamaan Dhaqanadda Xun-xun Ee Dhawaanahan Kusoo Badanaya Dhallinyaradeenna

Isagoo Taas Ka Duulaya Ayuu Xildhibaanku U Huray Inuu Hantidiisii Gaarka Ahayd Ku Maalgeliyo Mashaariico Waaweyn Oo Aanu Macaash Ka Doonayn Oo Dhallinyaradda Waxtar U Leh Oo Ugu Horeeyo Garoomaddan Waaweyn Ee Aad Caawa Halkan Ku Arkaysaan Oo Loo Bixiyay Horseed Stadium Isagoo Dhisnaa Imika In Muddo Ah Laakiin Dib U Cusboonaysiin, Balaadhin Iyo Magac Ka Bedelid Intaba Lagu Sameeyay Isla-markaana Si Rasmi Ah Loo Furi Doono Maalinta Sabtida Ah Ee Bishuna Tahay 16/09/017, Afarta (4:00pm) Galabnimo.

Waxaa Xusid Mudan In Garoonkani Dadka Reer Berbera Uu Xasuus Gaar Ah Ku Leeyahay Iyadoo Reer Berbera Waagaas Ay Aad Ugu Xasuusan Doonaan Koobkii Goboladda Dalka Ee U Danbeeyay Ee Lagu Soo Geba-gebeeyay Garoonka Dooga Leh Ee Caasimadda JSL Ee Hargeisa Stadium Oo Dhallinyaraddii Ciyaartoyga Ee Loo Soo Xulay Inay Metelaan Gobolka Saaxil Ay Muddo Labo Bilood Ku Dhawaad Ah Tababar Gaar Ah Ku Qaadanayeen Garoonkan Iyagoo Markooddii Horeba Si Joogto Ah Ugu Ciyaari Jiray Sanaddo Badan Kaas Oo La Odhan Karo Kaalin Wayn Buu Ka Qaatay Guushii Taariikhiga Ahayd Ee Xulka Gobolkeennu Kasoo Hooyeen Ciyaarihii Koobka Goboladda JSL Iyagoo Gaadhay Ciyaarta Kama Danbaysta Ah (Final) Taarikhda Markii U Horaysay.

W/Q Ustaad Siciid Jaamac

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews