“Hanaayaha Tashaha Labada Gole Soo Hor Kacay Daalin.Hawdkiyo Ilaa Bari Galbeed Hadal Xun Lay Geystay.Ee Hurinta Reer Saaxil Uu Uunku Wada Hiifay.Hatigaada Waatay Dagaal Nagu Hujuumeene.Dekedii Hufnayd-baa Durtaba Haawatoo Madhane.Haantii Cashuuraha Beryahan Hilayga Loo Jiidye”Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
September 15, 2017 - Written by Berbera Today
Haraddii dhaqaalaha markii hororku shaasheeyay.
Heshiisyada markay dowladani iibka ugu heestay.
Hasheenii irmaanayd kolkii carabtu hoomayday.
Wasiirada u heelani bulshada hoonka ugu baaqday.
Hanaayaha tashaha labada gole soo hor kacay daalin.