Imaaraadka Carabta Oo Dhaqaale Ugu Deeqaya Dalka Soomaaliya Iyo Xadiga Lacagtu Leeg Tahay
September 15, 2017 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya uu siinayo lacag dhan AED330 Million oo u dhiganta ($89.8 million), taasi oo uu sheegay in uu uga qeyb qaadan doono hormarka ka socda Soomaaliya.
Lacagtan uu Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ugu deeqay Soomaaliya ayaa waxa uu u jeedka ku sheegay in ay tahay in ay si gaar ah ugu taageeraan dhismayaasha, kor u qaadida dhaqaalaha, beeraha, amniga, caafimaadka, biyaha iyo waxyaabo kale.
Sidoo kale Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ayaa waxa uu sheegay in marwalba ay diyaar u yihiin in ay taageeraan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, oo hada ku jira xaalado adag, loona baahan yahay in garab la siiyo.