Wariye Maxamed Aadan Dirir Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Gudoomiyaha Itaxaanaadka Qaranka Somaliland Oo Amarka Xadhigiisa Bixiyay+Maamulka Dugsiga Nuuradiin Oo Dacwad Wariyaha Ku Oogaya
September 16, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Goordhaweyda ayaa Ciidamada Booliska somaliland ee Wasaarada waxbarashada la shaqeeyaa Xabsiga Utaxaabeen Wariye Mohamed Aadan Dirir oo Kamida Suxufiyiinta Madax banaan ee Ku sugana Magaalada Hargeysa.
Wariyaha Oo La Soo xidhiidha Shabakada Wararka Ee Berberatoday.com Markii Xabsiga Lagu Siiwaday Ayaa Sheegay In Laga Soo Xidhay Agagaarka Wasaarada Waxbarashada Oo Saka Uu Utagay Hawlo Shaqo waxaanu Wariye Maxamed Dirir Sheegay Inkastoo Aanay Is Aragba Inay Askartii Xidhaysay usheegeen In Amarka Ay Kuxidhayaan Uu Ka Yimi Gudoomiyaha Itaxaanaadka Qaranka ninka Layidhaa Magaciisa Daa,uud Axmed Faarax.