berberatoday.com
Fadlan U Fiirso Liiskan Hoose Ee Hantida Maguuraanka Ah Ee Xukuumada Siilaanyo Ama Kulmiye Xaraashtay Intii ay Xukunka Dalka hayeen Ma Xukuumadaa Ayaa doonaysaa inay Mar labaad Shacabka Iyo Qarankaba ay Kusoo Noqdaan waa Maya “Xaasha”Abdirahman Fidhinle
September 18, 2017 - Written by Berbera Today

Fadlan U Fiirso Liiskan Hoose Ee Hantida Maguuraanka Ah Ee Xukuumada Siilaanyo Ama Kulmiye Xaraashtay Intii ay Xukunka Dalka hayeen Ma Xukuumadaa Ayaa doonaysaa inay Mar labaad Shacabka Iyo Qarankaba ay Kusoo Noqdaan waa Maya “Xaasha”
Iyada oo Xukuumada Siilaanyo uu mudo xileedkeedii 5-ta sanadood ahaa iyo Maandheydkeedii shacabku siiyey uu ka dhamaaday Taariikhdii 27/7/2015.
Iyada oo hada ah Dawlad Madhan oo ku meel gaadh ah oo mudo kordhin kursiga ku fadhida si ay Doorasho xor ah oo xalaal ah ay dalka u gaadhsiiso .
Sidaa daraadeedna aanu Dastuurka Qaranka Somaliland u fasaxeyn in Dawlad aan Dastuuri aheyni iibin karto ama kireyn karto Hantida Maguuraanka ee Qaranku wada lahaa.
Iyada oo aan haba yaraatee la waafajin dastuurka iyo shuruucda wada qabyada ah ee dalka u yaala ee ku soo aroora xeerbaa qeexi doona.
Iyada oo aan haba yaraatee aan goobna loo sameyn xeerar iyo xeegaano lagu
aqo, lagu maamulo oo lagu kala saaro hadii la is qabto__
Iyada oo aan shacabka reer Somaliland marna laga qancin Baahiyaha khaaska ah ee Kalifay in dhamaan ilihii dhaqaalaha iyo hantidii maguuraanka aheyd ee shacabka Somaliland wada lahaa lawada xaraasho oo la xaalufiyo.
Iyada oo aan la naadin, loona tar-tamin oo aan loo soo ban dhigin suuqa xorta ah si loo bidhingareeyo oo tar tan xalaal ah loogu tar-tamo.
Iyada oo aan dhamaan laga dhigin Mashaariic horumarineed oo dhalinyarada shaqooyin loogu abuuro ayaa Xukuumada Somaliland ku tagri fashay dhamaan liiskan hoose oo ah hantidii Qaranka, dhitadii dalka, dhaxalkii dhalinyarada iyo dheeftii Qaranka Somaliland oo dhami wada lahaa:
1- Dekeda Berbera oo DPWorld lagu wareejiyey oo Xaqal qalin yar la dhaafsaday
2- Wershadii Sibidhka ee Berbera oo suuq madow lagu qaybsaday
3- Wershadii Leydhka ee Hargeysa
4- Wershadii Leydhka ee Berbera
5- Guryihii dawlada ee shacabka oo gaadhaaya ilaa 520 guri oo la xaraashay
6- Xaruntii Netfishka ee Berbera
7- Dekedii Hore ee Berbera
8- Leynkii Booliska ee Hargeisa
9- Xabaalo la iibiyeyna Xukuumadan ayaa laga guntay sida Xabaalaha Dal-jirka Dahsoon ee Hargeisa
10- Kaalin Shidaal oo la iibiyey sida Kaalinta Shidaalka ee Dawalada Hoose ee Hargeisa
11- Masaajid la sigay in la xaraasho lakiin Hadh-qoodaarkiisii iyo Parking kiisii la iibiyey sida Masaajidka Gobolka ee ka soo horjeedka Xisaabaadka Guud.
12- Xafiisyo La iibiyey sida Xafiiskii Wasaarada Duulista Hawada ee Hargeisa oo shaqsi ku tagri falay.
13- Lane kii Police ka ee Caasimada Hargeisa oo la xaraashay.
14- Gandhi–Libaray oo sife xaqdaro ah loo wareejiyey
15- Xanaanooyinkii Caruurta sida ta Hargeisa oo la xaraashay
16- Sariibadihii iyo Suuqyadii Ganacsiga ee dawlada oo lagu tagri falay sida Sariibada Octobar iyo Sariibada Kood buur.
17- Buurta Gacan Libaac oo Sheikh Carab ah carbuun laga qaatay laakiin lagu dhici la yahay ilaa hada oo loo dhabacanaayo.
18- Buurta Qaras-gooye oo Sheikh carbeed lacag lagaga lunsaday.
19- Xeryihii Ciidamada oo la xaraashay qaarkood sida Xeradii Taraafikada ee Hargeisa
20- Xero Dhiigtii Caasimada Hargeisa oo aad ogeydeen labadii maalmood ee aan xoolaha la qalin Hargeisa wixii ka dhacay
21- Buurta Siimoodi ee Degmada Baki oo shirkad Chines ah sife qarsoon oo gacan wadaag ah looga kireeyey
22- Bir-libaaxdii dalka taalay oo dhan (all scrubs) oo cagta iyo carabka la mariyey laguna qulaamiyey shaqsiyaad gaar ah.
23- Liisanka Baabuurta ee Qaranka oo aan loo tartamin ee shaqsi sife gacan-wadaag ah loogu naaxiyey
24- Isbaaradii Baabuurta loo dhigtay Dekeda Berbera ee Barlamaanku dirqiga ku Furdaamiyey
25- Warqadii wado marista ee Dalka ” Road Tax ” oo shaqsi shirkad sheegta sife gacan wadaag loogu naasnuujiyey.
26- Passporkii qaranka oo Xildhibaanada la garanaayo lagu qulaamiyey
27– Haamihii keydka Shidaalka ee Berbera oo lagu wareejiyey shaqsiyaad sheerley ah, shirkado sameys ah iyo shirkado dhabarka laga soo taabtay
28- Womens Club kii Haweenka Caasimada Hargiesa oo Ganacsade xukuumada ku lingaxan laga iibiyey iyada oo baahi badan Haweenku u qabaan.
29- Xeebta Awliyo -Koombo oo 15 km ka xigta Xeebta Galbeedka magaalada Berbera oo Isbahaysiga Carbeed Malaayiin Dollar lagaga qaatay.
30- Madaarkii Berbera oo sife afduub iyo jujuub ah Isbahaysiga Carbeed oo imaaraatku hogaaminaayo loogu wareejiye kaas oo saameyn taban ku yeelan doona Amniga JSL.
Maanta Xukuumada Siilaanyo waxaa recordka u galay oo bar madow, Laf jab iyo fadeexad qaawan ku ah in ay kooto dhabar taabasho ah shaqsiyaad gaar ah uga soo cumaamado Xeyndaabka Madaxtooyada oo ay u xidho kuna wareejiso Dhamaan agabkii, anfacii, mooradii, magantii, muquunadaii, ilihii dhaqaalaha iyo Hantidii maguuraanka aheynd ee ummaddu Somaliland oo dhami wada laheyd.( Monopolistic Economy ) amaba ay xaqal qalin yar dhaafsato hantidii ummadda baahan.
Waxaa shacabku arkaan in xukuumada jirtaa ay dhamaan wixii shuruuc iyo dastuur inoo yaalay ay kula dagaalantay awood kooxaysan kuna dhooqeysay awood dawladeed oo mujtamacii ay indhahooda ku wada daawanayaan. Dhamaan liiskan sare oo ah hantidii maguuraanka aheyd ee Qaranka Somaliland wada lahaa, Xeerna laguma Wareejin, Xeegaana laguma bixin, Qandaraasna lama marin ee waxaa sife gacan-wadaag ah oo qusum iyo qoon ah loogu wareejiyey Shirkado sameys ah iyo shaqsiyaad macaash doon ah oo dhabarka laga soo taabtay. Waana iyaga iyo Allahood !!!
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London_____

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews