berberatoday.com
Maxay ku danbeysay Dekedii Qaranka ee Xukuumadu Xaqul-qalinka siisatay ? : Qalinkii A/Fidhinle UK
September 18, 2017 - Written by Berbera Today
Ma Weecsin, Beegsin mise Aloos iyo Agaasin Danbe !! Ma Qataabsi amase Qurbaani.. Mise Qadhaabsi iyo Qudh-Qudho joogto ah ? Ma midigays iyo Oodeys ! Mise Gown iyo Maquuno kale  !! Boowe …Malaa….Waa Qaliban !! Mise ..Waaba Suke ! Mise .. Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !! intaasina waa iga arar dadab galkeedii ee aan hoos u soo dego……. !!
Bal aynu adeegsano hadaladii iyo hawraarihii  maalmahan ka soo hugmaayey Ganacsatadii Somaliland ee Dekeda isticmaalaysay , inaga oo tixdii iyo tiraabtii ay Ganacsatadu ka dhawaajiyeen bud-dhig iyo baleysinba uga dhigayna oo weliba ku sii bishileyna hadal heynta maalmahan iyo hadaaqa bulshada bal aynu Tooshka ugu iftiimino ummadda reer Somaliland siday wax udhaceen:
Shirkada DPW waxay Dekeda Berbera la wareegtay 1/3/2017, ilaa iyo mudadaa ay Dekeda maamulaysay oo gaadhaysa ilaa iyo 7 bilood waxay Shirkada DPW ku fashilantay in ay qalabayso oo horumariso Dekeda, Waxay ku fashilantay in ay Heshiis qoran la gasho shaqaalaha ka duwan ee Dekeda iyo Ganacsatada isticmaasha dekeda. Mudadaa koobnayd ee ay dekeda maamulaysay shirkada DPW waxaa dekeda ka dhacay shilal ay ku dhinteen laba marxuun oo ka mid ah shaqaalaha dekeda ugu fiicnaa ku waas oo magacyadooda la kala odhan jiray  1- Marxuun Jaamac Ismail Ali iyo 2- Marxuun Saleebaan Nuur ( ina gunti gab).
 Waxaa iyana Dekeda si joogto ah uga  dhacay khasaare iyo shilal badan oo dad iyo duunyaba waxyeelo ka soo gaadhay ku waas oo aan hore uga dhici jirin Dekeda Berbera waxaana shilalkaa ka mid ahaa :Dekeda oo dab qabsaday laba jeer taas oo keentay Khasaare baahsan, Waxaa Dekeda isku jiidhay laba Markab maamul xumo awgeed. Waxaa aad ubatay Khasaaraha iyo waxyeelada Dekeda ka soo gaadha agabka kala duwan ee laga dejiyo Dekeda gaar ahaan khasaaraha  soo gaadha Gaadiidka iyo qalabka dhismaha ee Dekeda ka soo dega. Waxaa aad u hagaasay dhamaan habsami u socodkii hawlihii waaxda farsamada ee qaabilsaneyd rarista iyo dejinta alaabada. Waxaa aad ubatay cabashadii ganacsatada dekeda isticmaasha, waxaa hoos udhacay dhakhligii dawlada uga soo xaroonayey Dekeda, Hadaba Shacabka reer Somailand waxay isweydiinayaan Su’aalahan Hoose:
– Meeday wexeenii ayaa wax laynoogu sii darayaa?

– Meeday Dekeda ayaa la balaadhinayaa?
– Meeday Qalab casri ah ayaa la keenayaa?
– Meeday Shaqo abuur badan ayaa la sameynayaa ?
– Meeday Mashaariic horumarineed ayaa la keenayaa
Boowe! waxaa la isku raacay in qaabkii dekeda loo wareejiyey aanu aheyn dan Somaliland ee   uu Xaalku iska ahaa ” Aan ka fuudee Allow Fii.. Haa,”
Shirkada DPW ma aha shirkad maxali ah (private ) ee waa shirkad ay leedahay Dawlada Emerates oo aan marna  dawladeena Somaliland ictiraaf u ogoleyn had iyo jeerna uxaglisa dhinaca Koonfurta Somalia. Shirkada DPW waa shirkad aan sumcad  fiican ku laheyn Caalamka maadaama ay Dekedo badan ku fadhilantay oo fadeexadi ka raacday ay isla galeen Maxkamadaha Ganacsiga ee aduunka. Waxaana ka mid ah Dekedihii ay hore ugu fashilantay : Dekeda D-Jabouti, Dekedii Cadan, Dekedadii Lebanon iyo Dekedii Senegal.Sidaa daraadeed waxaa aqoon yahan ka reer Somaliland isku raaceen in shirkada DPW ay ku ishaa-falateynayso Dekeda Berbera oo ay ka xidhanayso uun Shirkadihii kale ee iyada kula tartamaayey..
Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan.. “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.”…! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu gey-geyso’ Hasha ka irmaan Habaar qabe maal…..Ana hawshiyo habeeda imari …Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid..misna ma hadhsado ee .. Allow sahal amuuraha aakhiro Samaan ooman baa yimye …. ..!”
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews