berberatoday.com
Tallooyin ka dhan ah Wasaarada waxbarashada , jaamacadaha, ardaydii dhammaysay dugsiyada sarre, iyo dhexeba iyo ardaydii noqdayba W/Q:- Rakad Mxd Sultan
September 18, 2017 - Written by Berbera Today

Waxaan hambalyaynayaa dhammaan ardaydii gudubtay sanadkan ee ka baxday dugsiyada sare iyo kuwa hooseba.

Ardaydii noqotay waxay leeyahay yeesha samir, adkeysi iyo dedaal gaaraba runtii in badan waad dedaasheen in badana waad soo dhigateen sidaa daraadeed mustaqbalkiina haw baabiinina hal sano oo aad dib u noqoteen go’aan qaata oo dedaala oo ku soo dhaafa sanadka dambe awood iyo aqoon dhisan taasi waa taladii ardaydii dib u noqotay sanadkan, sidoo kale gala oo u dedaala Re-examka oo ah nidaam meelkasta la galo laakiin dalkeeenna sanadkanbaa la sameeyay.

Xagga dawlada waxaan ku amaanayaa go’aanka adag ee ay gaadhey waanna ay ku mahadsan tahay se mid baa dawlada seegtay arrrintan dib u celinta ama dhicitaanku waxay ahayd arrin inagu cusub oo aynaan beryahanba arag dhicitaan intaa le’eg se waxay ahayd in sanadkii u dambeeyay ee ay ardaydu bilaabeen waxbarashaddii form 4 iyo 8kaba la siiyo wacyi-galin balaadhan oo ka dhan ah in la joojiyay Upgradingkii imtixaanka iyo in isbeddelka ku yimid sanadkan waxbarashadii sida fudud loo gudbi jiray laguna cel-celiyo in la dhacayo oo la kala hadhayo, aqoontoodana la dhiso, la caawiyo ileen waa la dhacayaaye, ardaydana tallooyin badan la siiyo ka hor tagga ayaa ka wanaagsan daaweynta.
waxay ahaayeen arday la baray baasiya oo dallaca iyo ciddi ma dhacdo.

Ardaydii sanadkan Baastay ee gudubtay

Waxaan hambalyaynaya ardaydii kala duwanayd ee waliba tuulooyinka u badnaa ee sanadkan baasay kaalmaha horrena galay, waa farxad waanna wax Alle loogu Mahad-naqo in tuulooyinkii hoggaamiyaan waxbarashaddii dalka waxaan se ku baaqi lahaa in tuullooyinka laga furo dugsiyaddii farsamada gacanta si ay u noqdaan dad iyagoo dhisan oo shaqaysan kara soo gala magaalooyinka.

Ardayda ka baxday dugsiyada hoose dhexe waxaan kula talinayaa inay u diyaargaroobaan aqoontii dugsiga sare oo ay ku tusaale qaataan in ardaygii dedaalaa un uu wer-wer la’aan ku baasayo, ku dedaala oo aqoontiina kor u qaada, maanta waxa aynu ku nool nahay duni meel ku wada jirta yacnii is wada og, oo waxa meelkasta ka socda iyo aqoonta meelkasta taala si fudud loo helo, waanna wax Alle loogu mahadnaqo, idinkoo ka faa’ideysanaya wakhtiga iyo technologiyada wakhtigiina galiya sidii aad aqoonta aad dhiganaysaan iyo mid ka badan u raadin lahaydeen hadday internet tahay iyo hadday buuggaag qoran tahay intaba.

Dhalinteennii waxay ku mashquuleen isticmaalka aallada Facebook taasina waa astaamaha sababa in ardaygu ka saaqido waxbarashadii iyo aqoon raadintiiba, inta aad ardaynimo tahay waxa kula gudboon inaad aqoontaada ku mashquushid oo aad ka weecatid waddo kasta oo hoos u dhigaysa aqoontaada shaqsiyadeed.

Haddii aad dooneysid inaad shaqaysatid waxay u baahan tahay inaad qalbiga galisid inaad shaqaysan kartid, aqoontaada wehel uga dhig inaad baratid aqoon iyo xirfad aad ku shaqaysatid adiga oo yar oo aan gaadhin heer jaamacadeedba.

Ardayda dugisayada sarre ka baxday midbaan leeyahay, waxaad bilaabaysaan mustaqbalkii waxbarasho ee ugu sarreeyay uguna adkaa, maanta dadkeennu waxay jecel yihiin in maalinta ay jaamacad dhammeeyaan ay shaqaystaan se idinka mid baan si gaara idinkula talin lahaa, dhibaato shaqo la’aaneed ayaa waddanka ka taagan, sidaa awgeed haddii aad dooneysid inaad barataan cilmi jaamacadeed baro cilmi jaamacadeed oo baahidiisu waddanka taalo, ama ku dedaal inaad jaamacadna dhigataan dhinacna aad xirfadaha ka barataan si idinkoo jaamacadda ku jira aad u shaqaysaan, mid kale waad sammayn kartaa mudo hal sano ah ayaad baran kartaa xirfad aad ku shaqaysatid, hal sano ka dibna jaamacadda ayaad bilaabi kartaa taasi waa haddii aanad awood u haynin inaad marna jaamacad dhigatid marna xirfad, xaqiiqdu waxay tahay waxa wax loo dhigtaa waa in shaqo la helo, maanta aqoonta kaliya ee shaqo si fudud loogu heli karaa waa barashada Xirfadaha kala duwan ee baahida iyo technologiyada la jaanqaadeysa.

Arday kasta waxaan leeyahay marka ay jaamacad noqoto is qor oo iska diiwaan gali aqoontaada aad awoodid inaad baratid iyo aqoonta aad og tahay inaad ka dhisan tahay.

Jaamacada dalka waxaan leeyahay waynu ognahay oo jaamacadaha waxa lagu dhigtaa aqoon isku wada mida taasina waa ta maanta sababtay shaqo la’aanta heerkii ugu sarreeyay ay gaadho, ajaanibkuna uu ku shaqeeyo aqoon jaamacadaha dibada lagu dhigto, iyadoo la ogyahay arday kumaan kun gaadhaysa ay bilaa camal ku yihiin dalka ayaa jaamacaduhana Facultiyada joogtada ah ee ay hayaan ayay haddana isla dib u qoraan taasna waxay sababtay in la isa soo gaadho oo ardaygii jaamacadda ka baxay 2010 uu ilaa maanta uu bilaa shaqo ahaado, markaa Jaamacadaha dalka waxaan kula talin lahaa in ay aqoonta ay ina barayaan ay wax ka beddelaan oo aqoon cusub oo dalku u baahan yahay inoo keenaan sidoo kale farsamooyinka gacanta lagu lamaanaysiiyo aqoontooda cusub ardaydana la baro, taasi waxay kor u qaadaysaa tayada ardayga iyo jaamacadaba.

Lasoco……..Qaybaha kale

Dhiirri-gali dadkaaga
Farxaan Maxamed (Rakad)
Berbera

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews