Kuuriyada Waqooyi Oo Sheegtay In Aanay Cunaqabatayn Kastaa Oo Saaraa Waxba Ka Qaadayn
September 19, 2017 - Written by Berbera Today
Pyongyang(Berberatoday.com)-Dalka Kuuriyada Woqooyi ayaa ku hanjabay in cunna qabateyn kale iyo cadaadis dheeraad ah ay ka helayaan awood ay ku sii hormariyaan barnaamijka nukliyerka.

War qoraal oo uu soo saaray Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Woqooyi ayuu ugaga hadlay xannibaad cusub oo ay Qaramada Midoobey saartay.
Wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay “Arrinta ugu xun oo anshaxdaro ah, xadgudubna ku ah aadanaha oo ah ficil cadowtinimo”.
Dhanka kale, Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa gacanka Kuuriya ka fuliyay dhoolatus militari.
Kuuriyada Woqooyi waa arrinta ugu weyn ee toddobaadkan looga hadlayo shirka Qaramada Midoobey.
Maamulka Pyongyang ayaa riday gantaalkii ugu dambeeyay Jimcihii wuxuuna dulmaray Japan. Gantaalkaas waxaa lagu tilmaamay tijaabadii ugu dheereyd ee Kuuriyada Woqooyi ay sameyso.
Tijaabadaas ka dib Qaramada Midoobey ayaa cunna qabatayn dheeraad ah saartay Pyongyang, waxaana loo cambaareeyay si loo dhan yahay. Waxaa lagu tilmaamay “daandaansi”.
Warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska wasaaradda arimaha dibadda ee Kuuriyada Woqooyi waxaa lagu sheegay: “Sare u kaca dhaqdhaqaaqa Mareykanka ee gobolka iyo cunna qabataynta iyo cadaadiska naga dhanka ah wuxuu xoojinayaa xawaaraha uu ku socdo qorsheheena ah in ugu dambeyn aan helno nukliyer.”
Warka ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay in cunaqabataynta cusub ay qayb ka tahay in jilbaha dhulka loo dhigo xukuumadda dalkaas.