Sucuudiga: Diyaarad Shiraac Ka Samaysan Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac !
September 21, 2017 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Guud ahaan dad ku nool dalkaasi Sucuudiga ayaa waxay ku hawlan yihiin u diyaar garawga xuska maalinta aasaaskii boqortooyada dalkaasi, dad badan ayaa waxay u dalxiis tagaan goobaha dalxiiska ee kala duwan halka dadka qaarna ay noloshooda halis u galiyaan sidii ay u samayn lahaayeen waxyaabo la yaaba amase ku ah dadka badankood si ay ugu soo bandhigaan asxaabtooda oo ay ugu faafiyaan baraha bulshada.
Diyaaradaha shiraaca ayaa ah kuwa qadiim ah oo qarniyadii hore la adeegsan jiray laakiin diyaaradaha noocan ahi way dabar go’een waxaana haatan la adeegsadaa diyaaradaha kala duwan ee casriga ah, sidoo kale dadka ku nool dalkaasi ayaa had iyo jeer xiiseeya inay isticmaalaan waxyaabihii qadiimiga ahaa ee waayahii hore loo adeegsan jiray.