“Maskaxda Aan Fadhiyin Ee Trump Ayaa Muujinaysa In Nukliyeer Loo Baahan Yahay…” Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Oo Hanjabey
September 22, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Kim Jong-un madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in maskaxda aan “fadhiyin” ee
Trump ay ku qancisay in uu ku saxsan yahay hormarinta hubka dalkiisa Kuuriyada Waqooyi.War qoraal ah oo naadir ah oo uu
Warbaahinta sii mariyay ayuu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku sheegay in Trump ay “saamayn wayn” ka soo gaadhi doonto khudbaddii uu dhawaan ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa Salaasadii sheegay in haddii Maraykanka lagu qasbo in uu is difaaco uu guud ahaanba burburin doono, Kuuriyada Waqooyi.