Beesha Caalamka Oo Culays Saaraya Kormeerka Doorashada Madaxtooyada Somaliland Ee 2017
September 23, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa go’aan ku gaadhay inay si weyn uga dhex muuqdaan hanaanka ay doorashada madaxtooyada Somaliland u qabsoomayso.
Culayska iyo xaasaasiyada ay doorashadani leedahay darteed, dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa indho gaar ah ku eegaya doorashadan. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in wadamadani bisha Oktoobar ee soo socota horaanteeda soo diri doonaan 15 safiir oo ka socda dalalka reer galbeedka iyo wadamada Afrika qaarkood, kuwaas oo uu warku sheegay inay eegayaan qaabka ay doorashadu u dhacayso iyo inay ku qabsoonto jawi xor iyo xalaal ah.