Ardaydii Qiiradda Lahayd Liibaan Iyo Khadar Ardaydii Sanadka”W/Q Rakad Mxd Sultan
September 25, 2017 - Written by Berbera Today
Ardaydii qiiradda lahayd Liibaan iyo Khadar ardaydii sanadka.

Waxaan ku socday magaalada Berbera, waxaanan marayay waddada Dheer ee Hargeysa ka timaada, meel u dhaw Iskuulka Umul-Quraan oo dhexeeya Awbarkhadle iyo Hargeysa, waxaan arkay laba arday oo buug sita oo taagan agagaarka Dugsiga Umul-Quraan, gacanta ayay ii taagayaan si aan u istaago una qaado, anigu xawaaraha aan socday oo badnaa se waan dhaafay, nasiib wanaag waxaan ka eegay muraayad haadka waxaannan xaqiiqsaday inay arday yihiin oo dirays iyo buuggaag Sitaan, dib ayaan ugu baxay waanan soo qaaday labadii arday.
Waraysi dheer, dar-daaran iyo wax is waydiin wuxuu u dhacay sidan:-
Liibaan iyo Khadar waxay ii sheegeen inay ka kala yimaadaan Tuullooyinka Diinqal iyo Dhubato, waxaanay maalinkasta waxbarasho u yimaadaan Maxadka Umul-quraan ee Hargeysa u dhaw, ma haystaan gaadhi gaara oo ay soo raacaan se Waxa Alle u barakeeyay gaadiidka waddooyinka mara oo intaa ay ardayda ahaayeenba qaadayay,
haw badnaadaan gaadiidka xamuulka ah ayaa inta badan qaada. Waxaaney ii sheegeen in gaadiid laydu barteen oo aanay dhaafin.
Liibaan iyo khadar da’doodu waa 12jir waxaanay ku jiraan galaaska 7aad. Waa Arday akhlaaq wanaagsan oo ay ka muuqato mustaqbal ifaya, Liibaan wuxuu doonayaa inuu injineer noqdo halka Khadar uu Doctor ka doonnayo.
waxay ii sheegeen Labadooduba inay ku guuleystaan xagga waxbarashada Kaalinta koowaad iyo labaad, taasina ay fursad u siisay in la boodsiiyo hal galaas sanadkasta maadaama ay ka yimmaadaan tuullooyin fog-fog kaalinta koowaadna iyo labaadna ay kala galaan , iyagoo subixii kaca 5:00 subaxnimo kuwaas oo soo istaaga waddada si ay u helaan gaadhi qaada runtii aniga waxay i dareensiisay farxad iyo in waxbarashada meesha fog loo tagaa ay ka wer-wer badan tahay waxbarashada kuu dhaw, inta badana ardayda meelo fog-fog ka yimmaadaa waa arday aqoon badan oo kaalmaha hore ku xisaabtama.
Liibaan iyo Khadar waxaan u aqoonsaday ardaydii sanadka iyagoo yar-yar ayay maalinkasta waxbarasho u doontaan meel ka fog, ma haystaan gaadhi gaara oo qaada waxay awoodaan inay waddada istaagaan oo gacanta taagaan si loo qaado Allena wuu ku guuleeyay maalina ma aysan waayin gaadhi qaadda.
Intii ay ila socdeen qiiro iyo ilmo ayaa indhahayga ku soo istaagtay, waa carruur, waa arday waanna mustaqbal doon, waxaan ka naxsan ahay inay waxbarashada ka habsaamaan waxaanan ka qiiraysan ahay in darawal xumi uu helo waayo iyagu cidkasta way raacayaan mana kala eegayaan wuxuu yahay danta kaliya ee ay u raacayaan waa in la gaadhsiiyo dugsiga.
Waxaan ka dareemay inay yihiin arday mustaqbalkoodu ifayo dedaal iyo kalsoonnina ka muuqato.
Waxaan waydiiyay miyaaney Iskuulo ku oolin degmaddiina se waxay ii sheegeen inay waalidkood la jeclaadeen iskuulkaa gaarka ah iyagoo sheegay in iskuulada dawlada ay waxbarasho ahaan hooseeyaan macalimiintuna ay qayilaan taasna waalidkood u go’aamiyay inay halkaa fog u waxbarasho doontaan.
Dar-daaran waxbarasho iyo mid mustaqbalba waan siiyay anoo ku dar-daarey dedaal aqooneed iyo inay u adkeystaan dhibka waxbarashada una samraan caqabadaha ay arkaan, sidoo kalena u iftiimayay inay waxbarashadooda kaga midho-dhaliyaan, xirfado shaqona ay yeeshaan intay yaryihiin.
Khadar iyo liibaan waxay u duceeyaan cidkasta oo ka qayb-qaadata qaadistooda waxaanay ka codsadeen walaallahooda waddada mara inaanay dhaafin markay arkaan.
Waxaan halkan baaq uga dirayaa dhammaan shacabkeena kala duwan in la caawiyo oo la dhiirri-galiyo carruurtaas, haddii aad ilmahaaga maalinkasta aad buska saartid kalana dagtid waa wax Alle loogu mahadnaqo se kuwani waxay maalinkasta naawilaan in la qaado oo cid aaney garanayni ay qaadaan khatarteedanna u badheedhaan.
Haddii aad tahay dadka jecel inay carrruurtaa meel ku ogaadaan ama taageero u muujiyaan waa mid aannu wadaagi karno.
Basaska Salaama iyo Barri iyo galbeed waxaan jeclaa inay kafaalo qaadaan labadaas Arday ee ay waliba subaxkasta dhaafaan. Kuna ballamiyaan darawaliinta in la qaado labada galinba oo aan la dhaafin.
Haddii aad ahayd Arday in badan barwaaqo iyo nolol wanaagsan ku dhammeystay waxbarashadiisii waad caawin kartaa oo waad dareemi kartaa.
Haddii aad iyagoo kale ahayd oo aad maanta dhaantid noloshanna meel wanaagsan kaga jirtid adna waad caawin kartaa oo waad la qaybsan-kartaa farxadooda.
Haddii aad iyaga oo kale aad tahayna shidaalbaad ka dhigan kartaa aad kaga dayatid adayg iyo dedaal dhammaystiran.
Gaba-gabadii Dugsiga Umul-quraan waxaan ku adkeynayaa inay si gaara iskaga xil saaraan aqoonta ardaydaas iyo ilaalintooda gaarka ahba sidoo kale inay ka war hayaan oo ay ka caawiyaan sidii ay guryahooda ugu noqon lahaayeen iyagoo og.
Dhammaan cidkasta oo dhiirri-galinaysa ama caawin karta waan ugu baaqayaa waanan la xidhiidhsiinayaa.

La-wadaag asxaabtaada.
Wabilaahi-tawfiiq.
Dhiirri-Gali Dadkaaga
Rakad Mxd Sultan
Berbera.