Alle Ha Unaxariisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Oo Dalka Hindiya Ku Geeriyooday
September 26, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajucuun Alle Ha Unaxariiste Waxa Dalka Hindiya Ku Geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud(Talyanle)oo kamida ahaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo sida La sheegay dalkaas Utagay daaweyn caafimaad oo fudud Hase yeeshee Hediisu utimi Oo Alihii Lahaa Oofsaday,
Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo kamida ahaa Xildhibaanada Xisbiga Waddani ugu Jira Golaha Wakiilada ayaa dhawaan utartamay Gudoonka golaha Wakiilada Somaliland Hase yeeshee si ay wax udhaceenba uu Kaga Guulaystay Baashe Maxamed Faarax oo ay Isku beel kasoo Jeedaan katirsan Xisbil xaakimka Kulmiye Xildhibaan Marxuum Cabdiraxmaan Talyanle iyo Xisbigiisa waddani ayaa in badan ku doodaayay in ay iyagu Ku guulaysteen Gudoonka Golaha wakiilada hase yeeshee akhirkii uhaneeyay Gudoomiyaha Hada Kursiga Ku fadhiya ee Baashe Maxamed Faarax.