Kenya: Booliiska Oo Kala Diray Mudaharadeyaal Doonaya In Guddoomiyaha Komiishanku Iscasilo
September 28, 2017 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Ciidanka Bilayska Kenya ayaa u adeegsaday suntan dadka kaga ilmeysiisa, iyo budadka korontaysan si ay u kala kaxeeyaan Dibad-baxayaal ku hor mudahaaradayay Xarunta dhexe ee Guddida Dooroshooyinka dalkaasi.
Mudahradaayashan ayaa dalbanayay in xilka laga qaado oo la eedeeyo saraakiisha doorashooyinka, kadib markii la buriyay natiijadii doorashada Madaxtooyada ee ay ku dhawaaqeen, iyagoo ku doodaya inay Xubnaha Komishanku ay u eexdeen Madaxweynaha Uhuru Kenyatta.
Hoggaamiyaha mucaaridka Mr Raila Odinga ayaa eedeeyay Guddida Doorashada, kuna tilmaamay inay dabadhilif u yihiin Xisbiga Jubilee ee talada haya. Waxaanu caddeeyay in aanu Musharrax ka noqonayn doorashada dambe ee dib loogu tartamayo Madaxnimada dalka Kenya, illaa inta Saraakiishaasi dooroshooyinka Maxkamad la saarayo