Fariin Caafimaad”Shaaha Cagaaran, Sinjibiisha Iyo Qorafalku Waxa Ay Si Aad Ah U Caawiyaan Dhimista Miisaanka
September 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhimista miisaanku waxa ay ka mid tahay arrimaha dunidan casriga ah loogu hadal haynta badan yahay, maadaama oo hab-nololeed iyo dabeecadda shaqada ee is beddelay ay sabab u noqdeen in uu aad u kordho miisaanka dadku. Dadka badankooda waa ay ku adagtahay in ay miisaanka u dhimaan qaabka hadda ee jimicsiga iyo hawlaha joogtada ah iyo wax ka beddelka cuntadu ka mid yihiin, waxa se la isku raacsan yahay in cuntada oo wax laga beddelo iyo jimicsiga oo la joogteeyaa ay yihiin xalka ugu fiican.
Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa noocyo ka mid ah cuntooyinka oo ay khubaradu sheegeen in ay ka qayb qaataan miisaan dhimista, gaar ahaan gubista dufanka jidhka ku urursan iyo yaraynta naqaska caloosha.