Britain: Haweenay Muddo 15 Sano Ah Naafo Iska Dhigaysay Iyo Sababta Ku Kaliftay
September 30, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Laxaadku waa nimcooyinka ugu qaalisan ee uu Ilaahay SWT ku mannaystay Aadmiga, waxaana loo baahanyahay in looga faa’iideysto sida wanaagsan ee Ilaahay inoogu talo galay, iyadoo ay layaab tahay in dadka qaarkood ka been abuurtaan si ay dano gaar ah oo ay leeyihiin u gaadhaan, waxaana xaqiiq ah in muddada ay doonto ha qaadatee qofka laxaadkiisa ka been abuura maalin maalmaha ka mid ah ay xaqiiqadiisu soo baxayso.
Haweenay ku nool dalkaasi Britain ayaa waxay muddo 15 sano ah iska dhigaysay inay tahay naafo, haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Linda Howoy da’deeduna tahay 58 jir ayaa waxa la xaqiijiyay in sababta arrintaasi ku kaliftay ay ahayd inay hesho gunno dheeraad ah oo ay dadka naafada ahi ay helaan.