Wasiirkii Caafimaadka Dawlada Mareykanka Tom Price Oo Iscasilay Iyo Sababta Keentay
September 30, 2017 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqbalay iscasilaadda xoghayihiisa caafimaadka Tom Price oo cadaadis xooggan la kulmay kaddib markii ay caddaatay in uu diyaarado khaas ah uu ku aaday safarro shaqo.
Trump ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday ficilka wasiirkani, waxaana isticmaalka diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee wasiirkan aysan la jaan qaadeyn ballanqaadyadii Trump ee xilligii uu ku jiray ololaha doorashada.
Tom Price ayaa horay raaligelin uga bixiyay inuu 26 jeer diyaarado khaas ah ku safray tan iyo bishii May ee sanadkan, kharashka safarradaasina uu gaadhay 400,000 oo doolar oo laga bixiyay khasnadda dowladda.