berberatoday.com
Dalku toban qof oo wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxmaed Xaashi oo kale ayuu u baahan yahay si baahidda looga baxo W/Q Barkhad-ladiif Mohamed Omar
October 1, 2017 - Written by Berbera Today

Dalku toban qof oo wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxmaed Xaashi oo kale ayuu u baahan yahay si baahidda looga baxo
—————————————
Xukuumada KULMIYE waxa kaliya ee ay illaa hadda ku faanta waa wax qabadkii wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi
————————————————————————–
Wasiirkii hore Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu xilka hayey muddo laba sanno ah (March 14,2012—July 28,2010).labadaasi sanno waxa uu qabtay waa intay xukuumadda Kulmiye Ku faanto.
Tusaale ahaan, wakhtiga uu xisbiga kulmiye xilka la wareegay wax lacag ah oo Baanka dhexe loogu yimid may jirin oo shaqaalaha dawladdu waxaanay mushaharku qaadan muddo lix bilood ku dhow, waxa uu Maxamed Xaashi la kulmay caqabado faro badan oo wakhtigaasi uu ku soo beegmay.
Haseyeeshee muddo gaaban waxa uu sameeyey inuu kordhiyo miisaaniyaddii qaranka isagoo cashuurtii kordhin (Marka laga reebo Gaadiidka Raaxadda), kaliya waxa uu dhiirigaliyey oo uu lacag fiican u qoray shaqaalihii goobaha dhakhli ururintu joogtay oo uu abaal marin uga dhigay qofkii dakhli fiican soo saara inuu dalacaad iyo gunno maalinle ah leeyahay, taasi waxay keentay inay shaqaalihii dadaal dheeraad ah galaan, waxa uu hawlgaliyey dhalinyaro hadda jaamacadaha ka soo baxay oo aan ku mamin lunsiga iyo xaaraanta xoolaha umadda.
Muddo gaaban waxa uu bixiyey dayntii lagu lahaa dawladda , ka dibna waxa uu 100% u kordhiyey dhamaan shaqaalaha dawladda,waxaanu u balanqaaday in uu shaqaalaha dawladda u kordhin doono 300%, markii uu arkay inay miisaaniyadii sii korodhayna mar labaad ayuu 50% u kordhiyey shaqaalihii, waxaay gaadhay in shaqaalihii dawlada ee laga carari jiray in loo soo shaqo tago oo dhalinyaradii ku soo qamaamaan shaqaalihii dawlada.
Waxa kale oo uu sameeyey in muddo gaaban uu dugsiyadda dhexe iyo hooseba uu bilaash ka dhigay wallow markii dambe wax iska bedeleen , taasiina waxay keentay in ardaydii waagii hore awoodi waayey ay dib loogu soo celiyey dugsiyadii.
Waxa kale oo uu sameeyey in markii warshadda sharaabka dalka laga furay uu gabi ahaanba joojiyey sharaabkii dibada ka imayey si loo dhiirigaliyo warshada laga furay wadanka, inkastoo dagaal adag la galeen ganacsataddii sharaabka ka keeni jirtay Yemen oo ilaa madaxweynaha ka dacweeyaan hadana uma joojin, go’aankiisii horana kama soo noqon taasina waxay keentay in ay ilaa hadda sii shaqayso warshaddii sharaabku, hore waxaynu aragnay in warshado badan oo dalka laga furay markii adeegii ay bixinayeen dibadda laga keenay mid la mid ah ay keeneen oo laga joojin waayey dartood u wada xidhantahay, tusaale ahaan warshaddii Daqiiqda ee dalka laga hirgaliyey waxay u xidhan tahay markii laga joojin waaayey daqiiqdii dibadda laga keenayey,taas oo markii dambe u guurtay dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya, laakin waxaan hubaa haddii warshadaasi daqiiqdu ku soo beegmi lahayd Maxamed Xaashi in aanay kacdeen oo uu joojin lahaa daqiiqdii dibadd ka timaadda.
Waxa kale oo uu dalka ka hirgaliyey mishiinka Kalyaha sifeeya oo hadda qiimo ka jaban dalal kale lagu sifeeyo, waxaana adeegaasi loo tagi jiray wadamo fog fog oo dhaqaale badan kaga bixi jiray, hadda dadkii dhaqaalihiina wuu usoo hadhay, wadankoogii dhexdoodda waa loogu shaqaynayaa, waxaana maaalin walba u duceeeya dadkaasi uu usoo dhoweeyey uu hawshaasi u hirgaliyey.
Qorshaha uu noo sheegay ee uu soo waday waxa ka mid ahaa:
1. Inuu soo iibiyo mishiinkii shirkadaha Telefoonada isku xidhayey laguna xisaabinayey ku hadalka telefoonadda oo cashuur badan kaga lunto dawladda, waayo illa hadda mishiinkiina lama soo iibin, cashuurtii laga qaadi lahaa ku hadalka telefoonka ee uu doonayey inuu ku ogaado cashuurta ku waajibtay inuu ka helo wali way maqan tahay, maalaayiin doolar ayaa halkaasi kaga baaqata dawladda.
2. Waxa kale oo uu soo waday in dalka Jaban uu heshish la gallo una sheego in wadanka gaadiidka laga wataa uu yahay baabuurta Jabaan sidaas darteed in suuqaas aanay ogayn ee wadanka ka jira kaga bedeshaan in wadooyinka u dhisaan mar hadii ay baabuurtooddu maraan oo xayeysiis ahaan wadooyinka ugu sameeyaan, ta labaadna in Dubia suuqa dhexe ee dilaalka ah noqotay laga soo wareejiyo oo toos Jabaan loogu xidhmo.
Himilooyinkaasi uu rabay iyo waxa uu mudaddaasi labadda sanno uu qabtay darteed waxay abuurtay in dhalinyaraddii jaamacadaha ka soo baxay ku xidhmaan oo nin walba xirfadda uu yaqaanay u caawiyo, iyagoo qorshayaal aad u wanaagsan ku caawiyey si uu u ogaado sida cashuurta loo soo ururiyo iyo qaabka ugu fiican ee la xisaabtanka.
Maxamed Xaashi waxa uu noo sheegay inuu ku talo jiray in Somaliland muddo toban sanno ah kaga baxdo baahida, waxaanu rajo ku abuuray dhalinyaradda, marka uu dhalinyaradda dhiirigalinayo waxa uu odhan jiray baahi inama hayso ee maamul xumo ayaa ina haysa.
Wakhtigan isagoo aan wasiir ahayn waxa ku xidhan dhalinyarada, waxaanay bishiiba mar la soo qaban qaabiyaa muxaadarooyin ay dhalinyaraddu soo qabanqaabiso oo looga faa’iidaysanyo aqoontiisa, taasna waxa uu ku helay shaqadii wanaagsanayd ee daacadnimadda ka muuqatay ee uu qabtay labaddii sanadood. Wax ka wanaagsan ma jirto marka ay dadkaagu ku ogyihiin wixii aad u qabatay, wali hore umay soo marin wasiir xilka ka tagay oo sida Maxamed Xaashi loogu xidhan yahay loogu xidhan yahay . 
Waxa xasuusta maalmihii wasiirka laga dhigay isagoo shaqo adag haya in mararka qaarkood aanu habeenki seexan jirin si uu usii shaqeeyo, waxa jirtay in galab aan waraysi ka rabay aan afartii galabnimo telefoonka ka garaacay si aan u waraysto anigoo xog ka rabay, markii uu iga qabtay ee aan isku sheegay waxa uu ii sheegay in aanu laba habeen seexan oo uu shaqo adag ku jiro, sidaas darteed uu imika doonayo inuu laba saacadood indho casaysto oo uu imika sii seexaanayo sidaas darteed waxa uu iga codsaday inuu habeenimadda ii iga warami doono xogta ka rabo.
Waxay igu noqotay layaab waayo afartii galabnimo ayuu jaanis u helay inuu seexdo, markaas baan dareemay inuu shaqo adag hayo.
Hadaba haddii Somaliland ay heli lahayd toban Maxamed Xaashi oo kale ah waxa hubaal ah inay wadamada Yurub la tartami lahayd.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews