berberatoday.com
Salaadiin, Boqoro Iyo Madax Dhaqameed Kasoo Jeeda Beelaha Ciise Muuse Ee Gobolka Saaxil Oo Loo Diiday Inay Ka Qeyb Galaan Xidhitaanka Shirka Beelaha Biciide Ee Deegaanka Dagaar Maanta Kusoo Xidhmaaya Iyo Sababta Oo Katimi Dhinaca Beesha Shirka Qabsatay
October 1, 2017 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-War deg deg ah oo hada soo Gaadhay Shabakada wararka ee Berberatoday.com ayaa waxa uu sheegayaa in Salaadiin, Boqoro Iyo Madax dhaqameed kasoo jeeda Beelaha Habar Awal Saaka Magaalada Burco Uga kaleheen Ka Qeyb Galka shirka Beelaha Biciide ee Deegaanka Dagaar ee Gobolka Sanaag maanta Kusoo xidhmaayay, Salaadiinta iyo Madax dhaqameedka oo uu hogaaminaayay Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Awal Suldan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Diiriye ayaa hore loogu casuumay kasoo Qeyb galka xidhitaanka shirkaaas hase yeeshee saaka  Markay Burco Ka amaba baxayeen ayaa lagu wargaliyay in aanay Shirkaas Iman Karin Salaadiinta Boqorada Iyo Madax dhaqameedka Beesha Ciise Muuse ee Habar Awal halka Salaadiinta Iyo Madax dhaqameedka Beesha Sacad Muusena Loo ogolaaday inay shirkaas ka soo qeyb galaan xidhitaankiisa sidaasna ay kutageen salaadiinta Beesha Sacad Muuse ee uu hogaaminaayay Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi, 

Waxaanu hadalkaas diidmada ahi kasoo baxay Beesha Biciide ee Shirka Qabsatay Sida ay Sheegayaan wararka aanu helaynaa.

Warkan oo aanu ka helay ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw Salaadiinta Beesha Ciise Muuse ayaa fajac iyo amakaag ku noqday cidkasta oo maqashay arinta ugubka ah ee lagu kala fidmaynayo beelaha walaalah ah ee Somaliland laguna abuurayo colaad aan hada jirin oo bilaw ah.

Sulaadiinta Iyo Boqorada Beesha Ciise Muuse ee Gobolka saaxil ee loo diiday inay shirkaas yimaadaan ayaa waxa hogaaminaayay Suldaan Maxamud Axmed Sheekh iyo Suldaan Maxamud Xandule(Indhacase) ilaa Hada Salaadiinta Beesha Ciise Muuse kamay hadlin dhacdadan foosha xun ee lagu kala qeybiyay Beesha Habar Awal ee Suldaankoodii Guudna Ka dhiidhiyi waayay ee nooca quudhsiga ah qaatay shirka Qeyb kamida Beeshiisa lagu faquuqayna uu ka qeyb galay.

Arinka oo ah mid foolxumadiisa wata oo aan horena looga baran Beelaha walaalaha ah ee Somaliland Milgaha iyo gobonimadana aan meelna kaga jirin ayaa waxa loo qaadan karaa inuu yahay mid lagu iclaamiyay colaad rasmiya oo dhex marta beelaha biciide ee habar Jeclo iyo Beesha Ciise Muuse ee Gobolka Saaxil waxaana saaka siweyn arinkan looga hadlayay guud ahaan Gobolada dalka Gaar ahaan Magaalada Burco oo dhacdadani ku dhacday Madax dhaqameedka shirka loo diidayna ay ku sugnaayeen.

Sulaadiinta Iyo Boqorada Beesha Ciise Muuse oo aanu iskudaynay inaanu Wax Ka weydiino dhacadadan Si ay jawaab uga Bixyaan ayaanay noo suuragalin in aanu helo kadib markii aanu ka weynay hutelkay Magaalada Burco ka adaganaayeen iyada oo naloo sheegay inay dhinaca Magaalada Berbera usoo baxeen.

 

Muuse Axmed Warsame

Berberatoday.com

Burco/Somaliland

Hirad1@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews