Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Bariga Magaalada Laascaanod Oo Toogasho Ka Dilay Marxuum Darawalka Ka Ahaa Gaadiidka Waaweyn Iyo Sababta Oo La Garan Layahay
October 2, 2017 - Written by Berbera Today
Laascanod(Berberatoday.com)-Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa La sheegay Inay saaka waabarigii Toogasho dileen alle ha unaxariistee Marxuum Cabdi Aadan Jaamac oo ku Magacdheer (Qalalabo) oo kamid ahaa darawada gaadiidka waaweyn ee loo yaqaano Candhameydhlayaasha.
Dilka ayaa ka dhacay kantaroolka bari ee magaalada Laascaanood Gaar ahaan kantaroolka Maraaga layidhaa, waxaana la sheegay inay Dilkaasi Geysteen ciidamada Qaranka Somaliland ee aagaas ku sugani ,
Lamana oga sababta Keentay dilka Marxuumka Keentay Waxaan Walina wax wara kamay soosaarin Maamulka Gobolka Sool Iyo laama amniga ee Magaalada Laascaanod.