Daawo Muuqalka”Dalka Mareykanka In Ka Badan 50 Qof Oo Iminka Lagu Toogtey Las Vegas, 200 Oo Kalana Lagu Dhawaacay
October 2, 2017 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay 200 kalana dhaawac ayaa ka soo gaadhay toogasho ka dhacday bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.
Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxadii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay
Nin hubeysnaa oo lagu magacaabay Stephen Paadock oo 64-sano jir ah ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay meel ay ka socotay xaflad heeso.
Boqolaal dad ah ayaa goobtii ka firxaday waxaana la maqli karay wax u ekaa rasaas qori ka dhacaysa, sida laga maqli karo muuqaal baraha bulshada la soo galiyay.