Dhimasho Iyo Dhaawac Soo Gaadhay Dad Ku Sugnaa Lowyacaddo, Markuu Ku Soo Dhacay DANAB Ka Dhashay Roob Dabaylo Watay
October 2, 2017 - Written by Berbera Today
Lowyacaddo(Berberatoday.com)-Inta la xaqiijiyey Hal Qof oo Rag ah ayaa ku Naf waayey Danab ka dhashay Roob dabaylo watay oo Shalay Gelinkii hore ka da’ay Tuulada Lowyacaddo ee Gobolka Selel ee Somaliland.
Sidaana waxa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Maamulka Lowyacaddo iyo Qaar ka mid ah Dadweynaha halkaas ku dhaqan oo aanu Xalay Khadka Telefoonka kula xidhiidhnay, si aanu wax uga ogaano Masiibadda halkaasi ka dhacday.
Mid ka mid ah dadweynaha ku nool tuulada Lawyacado oo ku sugnaa agagaarka Goobta uu danabku ku soo dhacay oo Wargeyska HIMILO u warramaya ayaa waxa uu yidhi “Shalay subax, saacaddu markii ay aheyd tobankii subaxnimo ayuu dhinaca badda roob ka soo kacay, xilligaasi oo ah xilliga ay dadku sida aadka ah isugu tallaabaan (Somaliland iyo Djibouti).