berberatoday.com
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Hawd Oo Shaaciyey Inay Rag Hub Culus Wata Ku Qabteen Nawaaxiga Sayla
October 3, 2017 - Written by Berbera Today

Balli-gubadle(Berberatoday.com)-Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Hawd Gashaanle dhexe Axmed Cabdillaahi, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Laba Nin oo uu sheegay inay Hub culus ku hubaysnaayeen, kuwaas oo lagu qabtay meel u dhaxaysa deegaannada Sayla iyo Baargoo oo ka tirsan gobolkaas.

Taliyaha oo Khadka Teleefanka ugu Warramayay xalay Shabakadda Hadhwanaagnews, ayaa sheegay sida Shabakaddaas oo aannu Warkan ka soo xigannay lagu baahiyey, inay Ciidanku markii ay ka warheleen Raggaas baadi-goobeen, isla markaana raadiyeen, ka dibna ay ku hareereeyeen duleedka Reer deggan inta u dhaxaysa Baargoo iyo Sayla oo loogu Shaah-karinayey, halkaasna lagu qabtay.

Waxa uu Taliyaha qaybta Booliska gobolka Hawd Axmed Cabdillaahi oo aan si rasmi ah u sharrixin nooca Hubka ay Nimankaasi siteen, uu yidhi; “Ciidanku waxa ay inta u dhaxaysay deegaannada Sayla iyo Baargoo ku qabteen laba Nin oo ku hubaysan Hubka culus, waxaanay ku soo socdeen magaalada Hargaysa. Annagu markii aannu ka war helnay arrintaas waxaannu daba gurney Raadkoodii, markaa sidaas ayaannu ku qabannay.” Sidaa Ayuu yidhi isaga oo u waramayay hadhwanaagnews.

“Waxaannu ku qabannay iyaga oo inta ay Hubkii xereyeen horfadhiya Guri oo Shaah loo karinayo, ayaa Ciidanku ka waregeen, sidaasna waa lagu qabtay, Ciidankuna baadhis ayay ku wadaan oo hawshaas gacanta ayaa lagu hayaa, si dhakhso ahna Maxkamadda ayaa loo soo taagi doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Axmed Cabdillaahi, sida xalay lagu baahiyey Hadhwanaagnews.com oo aannu Warkan ka soo xigannay.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews