berberatoday.com
Dalab Ku Waajahan Mustaqbalka Gudoomiye-Nimo Ee Xisbigga KULMIYE Oo Uu Shalay Wasiir Maxamuud Xaashi Hor-Dhigay Shir Ka Dhacay Dooxa Dagaar Oo Lagu Gacan-Saydhay.
October 4, 2017 - Written by Berbera Today

Ceerigaabo(Berberatoday.com)-kullan ay shalay iskugu yimaaddeen Wax-garadka,Madax-dhaqammeedka, Siyaasiyiinta iyo Labbeenta Beellaha Muuse Abokor (Habar-jeclo),ayaa shalay ka dhacay Dooxa Dagaar oo ka tirsan Degmadda Ceerigaabo.

Kullankan oo ahaa mid dabo-socday Shir-weynihii ay Beellaha Biciide halkaas ku yeesheen,ayaa waxa uu Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland kusoo bandhigay inuu doonayo in Beellaha Muuse Abokor ay ka tashadaan waxii ay ka yeelli lahaayeen gudoomiye-nimadda Xisbigga KULMIYE oo uu aad ugu ol-olaynayo inay Beeshu u xusho inuu Xilkaas qabto ka dib markay Dalka ka qabsoomto Doorashadda Madaxtooyadda ee qorshasan 13-ka bisha soo socota,intaas ka horna heshiis qoraal ah ay sii kala qortaan gudoomiyaha,ahna Musharaxa Xisbigga ee haatan Muuse Biixi Cabdi.

Image result for Maxamuud Xaashi

 

 

Balse siday ilo-wareedyo goobjoog ahaa u sheegaayaan dalabkaas Wasiir Xaashi waxa si adag uga hor-yimid Siyaasiyiintii kale ee Beesha Muuse Abokor ee madasha ku sugnaa,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen;Af-hayeenka Xisbigga taladda haya ee KULMIYE,MD.Xasan Gaafaadhi,Badhasaabka Gobolka Hawd,Md.Ibraahim Xaaji Cali Xasan,Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Duulista,Axmed Nuur Faahiye iyo Siyaasiyiiin kale.

Siyaasiyiinta Dalabka Wasiir Xaashi ka hor-yimid,ayaa ku taliyay inay arrintani u baahan tahay gorfeyn badan,isla-markaasna aanay haboonayn in kullankan go’aan lagaga gaadho. Waxay intaas ku dareen in arrintan ku saabsan waxa laga yeelayo mustaqbalka gudoomiye-nimo ee Xisbigga KULMIYE loo saaro guddi Beesha ah oo kasoo talo-bixisa,talo danbe iyo go’aankeeda laysu soo laabto,taas oo ay soo dhaweeyeen wax-garadka,Sallaadiintii iyo dadkii Labbeenta ahaa ee madasha joogay.

Dhinaca kalena,waxa la sheegayaa inuu arrintaas si weyn uga biyo-diiday Wasiirka Madaxtooyadda Somalilad,kaas oo markii danbe Odayaal sooc ah dhinac ula baxay,si uu uga dhaadhiciyo dalabkiisa ku waajahan gudoomiye-nimadda Xisbigga Kulmiye ee Musharax Muuse Biixi Cabdi ka dib.

Wasiir Xaashi,ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu isku-dhufto Beesha Muuse Abokor iyo Xisbigga KULMIYE,haddii aan banaanka loo dhigin Kursiggiisa,waxaanay dad badani qabaan inay dhici karto inuu mustaqbalkiisa Siyaasaddeed ula guuro dhinaca Xisbigga Mucaaradka ah ee UCID.

 

XigashoIlaysnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews