berberatoday.com
Shacabka Hargeysa Oo Awood Dadweyne Ku Joojiyay Dhisme Uu Nin Ganacsade Ahi Ka Bilaabay Dhulka Dugsiga Sheekh Cali Cismaan
October 4, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shacab reer Hargeysa ah oo gadoodsan ayaa awood dadweyne ku horistaagay dhisme la doonayay in laga bineeyo dhulka uu leeyahay dugsiga caanka ah ee Riis oo hadda loo yaqaan Sheekh Cali Cismaan.

Dadweynahan ayaa ku waaberiistay shalay dhisme jiingado ah oo lagu xidhay dhulkaas si dabadeed loo bilaabo dhismaha dugsigaas laga bilaabayo oo muddooyinkii u dambeeyay la hadal hayay in nin ganacsade ah laga iibiyay.

Dadweynaha ayaa kala daadiyay jiingadihii lagu xidhay dhulkaas iyo qoryihii lagu taagay, iyagoo ay dadweynuhu gacantooda ula tageen burburinta dhismahaas oo uu qof waliba qaatay jiingad iyo qorigii uu ku soo beegmo, iyagoo ku dhawaaqayay inay ka damqadeen in dhulkii dugsiga loo gacan geliyo gacmaha ganacsatada.

Wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed oo HCTV u waramay ayaa yidhi “Anagu wax la iibiyay ma ogin, waxaanu ka war helnay ilaa shalay ilaa saaka markaas taliyaha booliska iyo maayarkaba, waanu wada hadalnay waxaanuna isla garanay in la joojiyo.”

Wasiirka oo la su’aalay cidda iibisay dugsigu waxa uu yidhi”waanigaa kuu sheegay oo anagu waanu joojinayba haayadii kale amniga  ama dawlada hoosee waanu ka wada xidhiidhnay.”

Shacabka reer Hargeysa ayaa u muuqda inay bilaabeen inay ka damqadaan iibka dhulka danta guud ee loo gacan gelinayo ganacsatada dalka, waxaana gobalada kala duwan ee dalka oo ay ugu weyntahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay shacabku ka qaylinayaan iibinta dhulka iyo dhismayaasha danta guud ee qaranku leeyahay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews