Beesha Caalamka Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saartay Hawlaha Doorashada Madaxtooyada Somaliland
October 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wefti ka socda dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ka kooban dalalka safiirka Denmark, safiirka Midowga Yurub iyo wakiilo ka kala socday Finland, France, Netherlands, Sweden, Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo guddiga doorashada iyo murashixiinta saddexda xisbi qaran.
