Khilaaf Ka Dhex Qarxay Shir ay Iskugu Yimaadeen Odayaasha Beesha Siilaanyo Oo Lagaga Arinsanayay Dumaasha Gudoomiyaha Kulmiye
October 7, 2017 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Odayaasha iyo madax dhaqameedka Beesha Habar Jeclo ayaa waxaa ay maanta shir iskugu yimaadeen Hotel City Plaza oo ku yaala magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer
Shirkan ay odayaasha Beeshaasi isku yimaadeen ayaa waxaa uu ahaa mid ay kaga hadlayaan cida loo comaamadi doono gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Dabadii inta aaney doorashadu dhicin .

Odayaal ka soo jeeda Beesha Wasiir Maxamuud Xaashi Ee Muuse Abokor ayaa soo jeediyey in doorkan iyaga lagu wareejiyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ay xaq u leeyihiin balse hadalkaasi ayaa madasha ka abuuray buuq iyo ismaan dhaaf ka dhex qarxay odayaasha beesha Habar Jeclo qaarkood taas oo sabab u noqotey in goobta shirka ay ka cadhoodaan oo ay ka baxaan odayaal ka socdey beesha Reer Daahir iyo Axmed Faarax .