berberatoday.com
Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo Luuqad Adag ku Cambaareeyey Xukun Cadaaladda ka Fog oo Lagu Raali-gelinaayey Maamulaha Dugsiga Nuuradiin oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku Ridday Wariye Maxamed Aadan Diriir
October 9, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-War-Saxaafadeed; Ujeeddo Cambaareyn. Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja, waxa uu si Kulul u Cambaareynayaa Xukunka qolka Madow lala galay ee Lagu ridday Weriye Maxamed Aadan Diriir oo siffo sharci darro ah bil ugu xidhnaa Maamulaha Dugsiga gaarka loo leeyahay ee Nuuradiin iyo masuuliyiin xilal sare ka haya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja, markii u dhabbo galay eeddaha loo jeediyey Weriye Maxamed Aadan Dirir, sidoo kalena xog-ogaal u noqday cidda ka dambeysay xadhiga weriyaha, isla markaana eegtay habka loo raacay Xukun Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku ridday 8/10/2017-ka Maalin Aaxad ah, waxa u cadaatay inuu Xukun lagu ridday oo ah 18-bilood, sannaad iyo badh u ahaa mid ka fog cadaaladda, oo xata aanu goob-joog ka ahayn Qareenka u doodayey Weriye Maxamed Aadan Diriir.

Sidaas daraadeed waxanu Cod dheer ugu baaqaynaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, inay degdeg xoriyadiisa ugu soo celiso Weriye Maxamed Aadan Diriir, sidoo kale, Ururradda xuquuqal insaanka, Hay’addaha Caalamiga ah iyo weliba cid kastaa oo damiirkeedu shaqeynaayo ugu baaqaynaa inay degdeg usoo faro-geliyaan xukun qar-qooshka qolka madow lala galay ee lagu riday Weriye Maxamed Aadan Diriir, kaasoo Xukunka ay Maxkaamadda gobolku ku ridday lagu raali-gelinayey Muwaadinka gaancsadaha ah ee iska leh, Iskuulka Nooradiin, laguna magacaabo Mahad Ibraahim.

Fiiro-gaar ah, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja, waxa uu caddeynayaa inaan Xukunka Weriye Maxamed Aadan Diriir, marna loo raacin dariiq sharci, iyadoo uu jiro hab loo raaco iyo Xeer Saxaafadeed oo dhaqan gal ah. Kaasoo ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex gabi-ahaanba garab martay, sidoo kalena waxay Maxkamadu lumisay xuquuqdiisii is-difaaciseed ee u xaqa u lahaa Weriye Maxamed Aadan Diriir, iyadoo laga qariyey, isla markaana uu madasha ka maqnaa qareenkii u doodayey Weriyaha xilliga Xukunka xaaranta ah Maxkamaddu ku riddaysay.

Guntii iyo gabo-gabadii;

Waxan mar kale Madaxweynaha qaranka Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, Maxkamaddaha sharafta leh, iyo cid kastoo ay khusayso arrinkani, ka codsanaynaa inay cadaalad kusoo dabaalan kiiska Weriye Maxamed Aadan Diriir, oo u helo xuquuqdiisii dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland u damaanad qaaday ee ahayd inuu is-difaaco iyo sidoo kale inay cadaaladda horteeda u sinnaadan isagga iyo cidda dacweynaysaa, iyo weliba in xukunkiisa iyo eeddaha loo haysto loo raaco Xeerka Saxaafadda Somaliland ee kasoo baxay golayaasha Qaranka Iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Fadlan Xoriyadiisa haloo soo celiyo Weriye Maxamed Aadan Diriir Cadaaladna ha halo.

Gudoomiye ku-xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja,

Axmed Muuse (Sakaaro).

Office/Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews