Shil Baabuur Oo Sababay Khasaare Dhimasho Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa
October 10, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Allaah ha u naxariistee Laba Ruux ayaa ku geeriyooday Shil Baabuur oo Isniintii maanta ka dhacay Duleedka Gableed ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Gaadhi ay wateen labada Marxuum isla rogay ama la qallibmay.
Labada Marxuum ee Shilkaa Gaadhi ku geeriyooday, ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay; Cabdi Ismaaciil Cige oo ahaa Darawalkii Gaadhiga dhacay waday iyo Maxamed Daahir Cabdillaahi oo la socday. Waxaanu Gaadhigu ka yimi Magaalada Wajaale oo uu Qaad ka soo qaaday.
Sidoo kale Axaddii Shalay, ayuu Shil Baabuur oo isna ka dhacay duleedka magalada Gabiley sababay dhimashada 4 Ruux oo Guddoomiyihii demgada Kalabaydh ku jiro iyo Lix Qof oo iyaguna ku dhaawacmay oo laba ka mid ah dhaawacooda Dhakhaatiirku mid cululs ku tilmaameen.