|
|
|
berberatoday.com
Ducadii 9aad Oo Ka Kooban 374 Arday Oo Ka Qalinjabiyey Jaamacada ADMAS Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In Jaamacadaasi Kaalin Mugle Ka Qaadatay Tayaynta Waxbarashada Dalka+Daawo Sawirada
October 10, 2017 - Written by Berbera Today
Jaamacada Admas Waxay Kaalin Mugle Ka Qaadatay Tayaynta Iyo Casriyeynta Waxbarashada Dalka Isla Markaana Waxay Ku Guulaysatay Horumar Weyn Mudadii Ay Jirtay” Madaxweyne Siilaanyo “Jaamacada Admas Waxa La Aasaasay 2006-Dii, Waxaana Imika U Dhamaaday 11 Sano Oo Buuxa Intaa Ay Jirtay Waxa Ka Qalinjabiyey Arday Tiradoodu Kor U Dhaafayso 5000 Arday” Gudoomiyaha Jaamacada Admas Hargeysa

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dufcadii Sagaalaad oo ka kooban 374 Arday ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Qalinjabinta Ardaydaasi Masuuliyiin qaranka Somaliland oo uu horkacayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Ardaydan tiradoodu dhan tahay 374-ka Arday ee ka qalinjabiyey waxbarashada darajada koowaad ee degreega iyo master-ka ama postgraduate-ka Jaamacada Admas ay bixiso, halkaas oo waxbarashada heerka 2aad ay ka baxeen 35 arday oo bartay Human Reasource Management halka kuwa kalena ay qaateen waxbarashada Project Planning Management. Sidoo kale Waxbarashada heerka koowaad ee degree-ga ayay ka qalinjabiyeen 339 Arday oo bartay kuliyadaha Architectureand Urban Planning, Economics, Development Studies, Accounting, ICT, Management iyo Distance Learning. Xafladdan loo qabtay Ardaydan ka qalinjabisay Jaamacada Admas oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa si weyn u soo jiidatay Indhaha ka qaybgalayaashii, martisharaftii iyo Masuuliyiintii ka kala socday Xukuumada, Xisbiyada Qaranka ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, aqoonyahano, Salaadiin, Xildhibaano, Waalidiin iyo maamulka iyo Shaqaalaha Jaamacada Admas ee ka soo xaadiray madashaasi. Xafladda qalinjabinta dufcadda 9aad ee Jaamacadda Admas oo ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa hadalo ka soo jeediyey Gudoomiyeyaasha Jaamacada Admas ee Hargeysa Mr Ixsaan Cumar Ismaaciil. “Salaan ka bacdi, waxaan marka ugu horaysa aan halkan uga hambalyeynayaa Ardayda maanta qalinjabinaysa, waxaan leeyahay Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo, waxa kale oo aan u hambalyeynayaa waalidiintii ku soo tacabtay ee soo gaadhsiiyey heer ay maanta qalinjabiyaan, waxaan iyagana leeyahay hambalyo. Sidoo kale waxaan u hambalyeynayaa macalimiintii ku soo tacabtay. Waxaan jecelahay inaan si ramsi ah u furo xaflada tan, waxaana farxad ii ah in jaamacada Admas markii ugu horaysay ay ka qalinjabinayaan arday second degree ah oo tiradooduna tahay 35 Arday waxaan leeyahay dufcadaa u horaysayna hambalyo. Jaamacada Admas ee Hargeysa waxa la aasaasay 2006-dii, waxaana imika u dhamaaday 11 sano oo buuxa intaa ay jirtay waxa ka qalinjabiyey arday tiradoodu kor u dhaafayso 5000 Arday, kuwaas oo ka kala shaqeeya meelo kala duwan ha ahaato Dawlada, kuwo ka shaqeeya Privet Sector-ka, iyo kuwo Business gaar ah furtay iyaga laftigoodu oo aan aad u hambalyeynayo ardaydaa shaqo qaar ah oo ay leeyihiin abuuray. Waxbarashadu waa joogto waxa idiin dhamaaday mudadii koobnayd ee aad Admas ku soo biirteen haday tahay heerka koowaad oo saddex ilaa afar sano ah iyo haday haday heerka labaad oo laba sanadood ah, Marka hore waxa weeyi in aqoonta aad barateen aad adeegsataan, oo marka hore aad naftiina wax tartan. Waxaan doonayaa inaan halkan ka xuso in bil ka hor Wasaarada Waxbarashada Ethiopia oo ka socda golaha Higher Education Board-ka ay Jaamacada Admas soo booqdeen, warbixintoodii positive-ka ahaydna ay u gudbiyeen Wasaarada waxbarashada ee Ethiopia.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacada Admas, Mudane Ixsaan Cumar Ismaaciil. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaguna dhiniciisa khudbad taariikhiya u jeediyey Ardayda Jaamacada Admas ee maanta qalinjabiyey ayaa waxa uu khudbadiisa ku bilaabay “Dhamaan Ardayda Qalinjabinaysa, Maamulka Jaamacada Iyo Martisharafta kale, Mudaneyaal iyo Marwooyinka, ugu horayn sharaf weyn ayay ii tahay xafladan qalinjabinta dufcadii 9aad ee Jaamacada Admas inaan idinkala soo qaybgalo, waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa, ardayda ka qalinjabisay kuliyadaha Jaamacada Admas. Sidoo kale waxaan hambalyeynayaa Waalidka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay guushan ay gaadheen. Waxaan si weyn u bogaadinayaa, maamulka, Madaxda iyo Macalimiinta Jaamacada Admas dedaalka iyo horumarka ay ku talaabsadeen Mudadii ay Jaamacadu Jirtay. Jaamacada Admas waxay kaalin mugle ka qaadatay tayaynta iyo casriyeynta waxbarashada dalka isla markaana Waxay ku guulaysatay horumar weyn mudadii ay jirtay. Ducaqabeyaal in Ardayda Jamhuuriyada Somaliland meelkasta oo ay joogaan ay waxbarashada ku wanaagsan yihiin iyadoo ay jiraan arday reer Somaliland ah oo guulo waaweyn ka soo hoysay jaamacadaha ku yaala dalalka dibada, sidaa darteed waxaan idinkula dardaarmayaa inaydaan ka daalin waxbarashada oo aad sii wadaan halganka iyo dedaalka aqoon raadinta si aad u gaadhaan heer aad u sareeya. Duca-qabeyaal

Berberatoday.com
COMMENTS
|
|
|
|
|
|