berberatoday.com
Wefti Muuse Biixi Hoggaaminayo Oo Addis Ababa Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Itoobiya Ku Qaabbiley
October 10, 2017 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha KULMIYE ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay dalka Itoobiya, ayaa meeqaam heer sare ah oo diblumaasiyadeed loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisa oo gaadhay magaalada Addis Ababa shalay galab, ayaa madaarka diyaaradaha ee caasimadda Itoobiya lagaga galbiyey gaadiidka loogu talogalay in lagu qaado diblamaasiyiinta maamuuska sare leh, iyadoo markiiba uu gudo galay hawlaha shaqo ee uu u tagay halkaasi iyo kulamo kala duwan oo uu la qaatay madax ka tirsan dawladda Itoobiya.

Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu oo wadahadal ay yeesheen ay ku falanqeeyeen qodobo ay ka mid yihiin; jaar-wanaagga, xoojinta arrimaha iskaashiga labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland iyo sidii loo sii adkayn lahaa wadashaqaynta xoojinta ammaanka labada dhinac iyo guud ahaan gobolkaba, kuwaas oo ay si fiican iskugu afgarteen.

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE waxa weftigiisa xubno ka ah Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, Siyaasi Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha gaarka ah ee Murrashaxa KULMIYE Mr. Mubaarik Ismaaciil Taani.

Qaabka Muuse Biixi iyo Weftigiisa loogu soo dhaweeyey oo dhammaystiranna waxaannu idiinku soo gudbinaynaa sidoo kale Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

https://youtu.be/gnr5ZTCxDTg

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews