Xaaskii Hore Ee Madaxweyne Trump Oo Warbaahinta Ka Sheegtay Arin Aan Laga Filayn Oo Aad Looga Yaabay
October 10, 2017 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Xaaskii hore ee madaxweyne Donald Trump ee Ivana, ayaa Isniintii ku kaftantay inay tahay marwada koowaad maadaama ay ahayd xaaskii u horreysay ee Trump.
Melania Trump, oo ah marwada koowaad ee dhabta ah ayaaney arrintaasi farxad galinin.

Wareysi ay warbaahinta ABC barnaamijkiisa Good Morning America, la yeeshay Ivana Trump ayay ku sheegtay in inkastoo ay haysato telefoon toos ah oo ay Aqalka Cad kula hadasho, ay haddana isku dayeyso inaysan aad u wic wicin ninkeedii hore, maxaa yeelay bay tidhi “ma doonayo inaan keeno wax hinaaso ah ama wax la mid ah maxaa yeelay waxaan ahay marwadii u horreysay ee Trump. waxaan ahay marwada kowaad waa sax.