Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Doorashadda Madaxtooyadda Ee La Filayo Inay Dalka Ka Dhacdo Iyo Go’aamadda Looga Baahanyahan Musharaxiinta
October 11, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay doorashada Madaxtooyadda ee la fiyo inay horaanta bisha Novenber ka dhacdo dalka.
Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo u waramayay Bulsho Tv ayaa sheegay in aan laga baryayn murrashaxiinta xisbiyada inay aqbalaan natiijadda doorashada waxaanu yidhi “aynu nabadgalyo ku galno doorashada yaanay xisbiyo ina hor ordin, codkana cod xalaal ah aynu bixino nin walowba nin aad doonto u codee ayaan leeyahay” ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.