Sirdoonka Ruushka Oo Lagu Tuhmayo In Uu Xaday Siro La Xidhiidha Amniga Qaranka Ee Dalka Maraykanka
October 11, 2017 - Written by Berbera Today
Moosko(Berberatoday.com)-Laba wargeys oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa baahiyey in sannadkii 2015 ka ay kooxo ka mid ah sirdoonka dhinaca internet ka ee dalka Ruushku ay xadeen siro culus oo ku kaydsanaa kombiyuutarrada aadka loo ilaaliyo ee wakaaladda maniga Qaranka Maraykanka. Wargeyska Wall Street Journal ayaa isaga oo soo xiganaya ilo wareedyo aanu magacaabin sheegay in sirta uu Ruushku xaday ay ku jiraan xogo uu sirdoonka Maraykanku ka helay shabakado Kombiyuutarro dalal shisheeye leeyihiin oo ay u dhaceen. Warbixinta wargeysku waxa ay xatooyadan cusub ku sheegtay tii abid ugu khatarsanayd ee lagu sameeyo siraha amniga qaranka ee dalka Maraykanka.