berberatoday.com
Budhcada Internet -ka Ee Dalka Ruushka Oo Sir Ku Xaday
October 12, 2017 - Written by Berbera Today

Mosco(Berberatoday.com)-Basaasiinta Israa’iil ayaa eegay burcadda internet-ka ee Ruushka u dhalatay oo adeegsanaya Software-ka

Kaspersky, laba sano ka hor, sida ay ku warrameen warbaahinta Mareykanka.

Waxaa Ruushka lagu eedeeyay in uu doonayay in uu dhaco sirta Mareykanka, sida ay qoreen wargeysyada New York Times iyo Washington Post.

Image may contain: 1 person, closeup

 

 

Sirdoonka Israa’iil ayaa arrinta ogaaday markii software-ka ay u adeegsadeen in ay ku dabagalaan burcadda.

Kaspersky ayaa beenisay eeda loo jeediyay, waxayna sheegtay shirkadda in aysan ka warhayn arrintaas, aysanna la shaqeyn maamulka Ruushka.

Bishii la soo dhaafay, dowladda Mareykanka ayaa dalkeeda ka mamnuucday adeegsiga software-ka lagula dagaallamo fayraska.

Israa’iil ayaa tilmaamtay in ay Mareykanka ku wargelisay dhacdada, taa oo sababtay in Mareykanka laga mamnuuco shirkadda.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in “dad badan lagu wargeliyay duullaanka internet-ka ee Ruushka”.

Warqado la kala soocay ayaa la sheegay in lagala baxay kumbuutarada shaqaalaha laanta amniga gudaha Mareykanka ee NSA kuwaas oo adeegsanayay Kaspersky.

Laanta NSA, Aqalka Cad iyo safaaradda Israa’iil ee Washington ka maysan hadlin dhacdada.

Wargeyska New York Times wuxuu sheegay in safaaradda Ruushka aysan ka jawaabin dalabka warbaahinta ee ah in ay eeda ka hadlaan.

Shirkadda Kaspersky ayaa daabacday qoraal ay ku sheegtay in aysan weerarkaa ku lug lahayn, aysanna waxba ka ogeyn xaaladda.

“Ku kalsoonaanta alaabteena waa mid aasaasi u ah ganacsigeena, Kaspersky waxaa u yaalla in iskuday kaste oo la ogaado laga hortagayo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirkadda ayaa tilmaamtay in aysan weligeed caawin, aysanna caawin doonin dowlad kasta oo dooneysa xadgudub dhanka internet-ka ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews