Murashax Cabdiraxmaan Ciro Oo Kulan La Yeeshay Raysal Wasaaraha Ethiopia Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wadahadleen
October 12, 2017 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Warsaxaafadeed:- Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee
Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa maanta kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn Iyo Wasiirka Arimaha Dibada dalkaasi Dr Workneh Gebeyehu.
Weftiga Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Murashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa si Baratakool sare ah lagu soo dhaweeyey weftiga.