berberatoday.com
“Tallo Aanay Siilaanyo Iyo Dawladiisa Hoose Isla Ogayn Weligii Nacnac Kuma Hawl Gallin,Talada Uu Kulmiye Kaga Baxayna Waa Lagu Weheliyaa W/Q Mohamed Abdi Hassan Diridhaba
October 12, 2017 - Written by Berbera Today

Ka bixitaanka Kulmiye ee Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac si ayeyna caadi u ahayn, wuxuu ahaa dhegta madbakha madaxtooyadda habeenkii ugu danbeeya, aroortiina ugu horeeya.

Tallo aanay Siilaanyo iyo dawladiisa hoose isla ogayn weligii Nacnac kuma hawl gallin, sannadkii 2005 tii ayuu Axmed Siilaanyo goor habeen ah gurigiisa casho ku casuumay rag siyaasiyiin ah oo uu ka mid ahaa abtigay allah ha u naxariistee Cismaan Cabdilaahi Cigaal, waxaan aniguna nasiib u hellay inaan cashada u raaco oo aan Axmed Siilaanyo markii iigu horaysay la kulmo.

Markaanu qadar la fadhinay Axmed ayuu intuu labada dhinac daymooday wuxuu ku jeedsaday marwadiisa Aamina Maxamuud Jirde markaasu weydiiyay “Oo Nacnac na mee” markaasay marwadu ugu jawaabtay wuu iman kari waayay, Axmed Siilaanyo oo marka ahaa guddoomiyahii xisbiga Kulmiye ayaa intuu eegay marwada ku yidhi “ please la hadalo kaalay dheh, sheekaduba ma iyada hagaagaysa haddaanu Nacnac fadhiyin”.

Waxa Nacnac loo diray gaadhigii Axmed Siilaanyo oo lagu soo qaaday, intii aanu cashaynaynay iyo intii aanu shaaha ku sheekaynaynayba madaxweynaha iyo marwadiisuba waxay il kalgacal ku eegayeen Nacnac.

Wallow dabaysha iyo daryanka doorashadu hugmayso haddana wuxuunba igu yidhi “Nacnac talladda wuu badsaday” ka tagistiisa Kulmiyana talladeeda waa lagu weheliya.

 

W/Q Mohamed Abdi Hassan Diridhaba

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews