berberatoday.com
Ururka Suxafiyiinta Gobolka Saaxil Oo Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ku Eedaynayay Inay Dhexdhexaad Ka Noqon Waayeen Bixinta Masharaaciicda Wacyigelinta Doorashooyinka
October 12, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Ururka Suxafiyiinta Gobolka Saaxil Wuxuu  komishinka Qaranka Somaliland ku Eedaynayaa inuu dhexdhexaad ka noqon waayey bixinta masharaaciicda wacyigelinta doorshooyinka ee ka dhici doonta gobolada iyo degmooyinka Somaliland ee ay gacanta ku hayso hay,ada Greative

DSC_0035

Dhawr war bixinood  Ayuu Kasoo Saaray  Ururka  Suxafiyiinta Gobolka Saaxil  Waxanu  kaga hadlayey amuurta ku saabsan maamul xumida iyo wax is Dabamarinta iyo sida khaldan ee ay wax u maamushay hay,adani Greative mashriicda wacyigelinta ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland gaar ahaana ta gobolka saaxil .

Taasi oo ururka  Suxafiyiinta Gobolka Saaxil si wayn uga biyo diiday iyadoon la  Qaban Wax tartan Ah In hay,ada Creative Aay Ururo gaara Kooto Ugu Xidho Mashruuca Wacyi galinta Dooorashooyinka,

Dhamaan Ururada kale ee Maxaliga ah ee ka jira Gobolka Saaxil waxaa uu mar walba komishinka Qaranka la socodsiinayeen  inay soo farogeliyaan Arinta ka dhaxaysa Hay,ada Greative iyo ururada wadaniga ah ee kusaabsan Nidaamka loo maamulay mashaariicda wacyigelinta Doorashooyinka oo ay Gabi Ahaanba Ururadu ka Tirsanayaan cadaalad darro iyo in la diiday in six or ah loogu tartamo mashraaciidaasi madaama uu yahay mashruuc ay uwada dhagtaagayeen dhamaanba urarada ka jira gobolada iyo degmooyinka Somaliland hase yeeshe aanu marnaba komishinka qaranka dhag jalaq usiin inuu isku dayo xalinta Arintani dhex taalay ururada Maxaliga Ah iyo Hay,ada  Graetive.

Waxaanu u Aragnaa Urur Ahaan inuu komishinka Qudhiisu uu Qayb ka yahay dhibaatada iyo Cadaalad Darrada meesha Taala ,isla markaasina uu haayada Greative kula socdo Cadaalada darrada iyo dulmiga ay ku hayso ururada wadaniga ah

Warar laysla dhexmayaana waxay sheegayaan in komishinka Qaranka qudhiisu ku dhex Milmo Inta Badan  Arimaha la xidhiidha mashaariicda kala duwan ee haayadaha calaamiga ah usoo mariyaan Somaliland  komishinka Qaranka ,wararku waxay intaas ku darayaan inay xubnaha sarsare ee komishinku ay Gacan Saar hoos ku  leeyihiin Arin kasta oo la xidhiidha dhaqdhaaqa dhinaca mashaariicda ee ay komishinku helaan ,

Inkastoo komishinka Qaranku ay door wayn ku leeyihiin hawl kasta oo la xidhiidha hawlaha doorshooyinka isla markana ay waajib ku tahay gogol xaadhka iyo inay qodaxda kasii guraan wax kastoo carqalad ku keeni karra habsami usocodka hawlaha doorashooyinka

Hadana  waxaad mooda in is dhago marka iyo Go,aan qadaasho la,anta ay qayb ka tahay taag, darrida iyo cadaalad darrada ka muuqta komishinka qaranka waxayna dad badani is waydiinayaan in komishinka qaranka ee xalin karri waayey arinta yare ee ku saabsan mashaariicda wacyigelinta ee ka dhaxaysa Hayada Greative iyo ururada wadaniga ah, side ayey dhabarka ugu ridaynayaan hawsha baaxada leh ee doorashooyinka ka dhici doona dalka isla markaasina ay ugu xaqsoori doonan sadexda xisbi qaran

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews