berberatoday.com
Ciyaartoy Hore Oo Caalamka Oo Dhan Caan Ka Ahaa Oo La Filayo Inuu Noqdo Madaxweyne Dal Iyo Codadka Doorashada Dalkiisa Uu Hogaaminayo
October 13, 2017 - Written by Berbera Today

Liberia(Berberatoday.com)-Natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxweynenimada Liberia waxay muujinaysaa in uu hogaanka hayo George Weah oo horay u soo noqday xidig dhanka ciyaaraha ah.

Natiijada guddiga qaran ee magaciisa loo soo gaabiyo NEC ayaa muujinaysa in George Weah uu hoggaaminayo 11 deegaan oo ka mid ah 15ka deegaan ee la tiriyay, inkastoo codadka intooda badan aan wali la tirinin.

Image may contain: one or more people, sunglasses and closeup

 

 

Joseph Boakai oo ah madaxweyne ku xigeenka talada haya oo ah ninka ay sida wayn isu hayaan ayaa hogaaminaya hal deegaan oo kali ah, kuwa kale intooda badanna kaalinta labaad kaga jira.

Si uu murashax ugu guulaysto doorashadan wuxuu u baahan yahay in uu helo in kabadan 50% guud ahaan codadka la dhiibtay.

Haddii lawaayo qof helay codad intaas la egna bisha soo socota ee Nofembar ayaa wareeg labaad la qaban doonaa.

Ciddii la doorto waxay badali doontaa haweenaydii u horaysay ee madaxweynenimo looga doorto qaaradda Afrika, Ellen Johnson Sirleaf oo sidoo kalena heshay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobelka loo yaqaanno.

Iyadoo natiijadu ay sidaa u soo baxaysana waxaa war been ah lagu marin habaabiyay tababaraha Arsenal, Arsene Wenger, isaga oo loo sheegay in George Weah uu guulaystay

Arsene Wenger ayaa tababare u soo noqday George Weah 1990yadii markaas oo uu u dheeli jiray naadiga Faransiiska ka dhisan ee Monaco

Arsene Wenger ayaa yiri: “Waxaan u hambalyeynayaa mid ka mid ah ciyaartoydeenii hore oo noqday madaxweynaha Liberiya, George Weah. Way yartahay in ciyaaryahankaagii hore uu noqdo madaxwaynaha dal. Way u wanaagsan tahay George, waxaana u sheegayaa in uu sii wad dadaalkiisa ah in uu waxbarato guulna gaaro.”

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews