berberatoday.com
Baashe Morgan Oo Hargeysa Dhuumasho Ku Jooga Ilaalo Xoogna Samaystay Iyo Sababta
October 14, 2017 - Written by Berbera Today

Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Lagu Magacaabo Baashe morgan oo dalka Somaliland iyo dadkiisaba Hadimo Ka Galay isaga oo ka faa,iidaysanaya Awooda Qoyska uu Xididka Layahay ee Madaxweyne Siilanyo islamarkaana boobay hanti badan oo dalku leeyahay kaalinta koowaadna Kaga Jira Kooxda Musuqmaasuqa baahsan dalka Ka Gaystay lana sheegayo inuu saami weyn ku leeyahay Kireynta Dekeda Berbera ee shirkada DP World

Sidoo Kalena Lacago Malaayiin Dollar ah ka qaatay Kireynta Madaarka Diyaaradaha Berbera iyo Saldhiga Ciidan ee dalka isutaga Imiraatka Carabtu Berbera ku yeelan doono ayaa maalmihii udanbeeyay isaga oo Hargeysa Ku sugan ku dhici waayay inuu sidii caadada u ahayd tago Hutelada Waaweyn ee magaalada hargeysa Kuyaala Iyada oo lawada ogyahayna Inuu Guulwadihii ay Qoyska Madaxtooyadu kalsoonida Buuxda Ku Qabeen ee Xildhibaan Nacnacna Ka talaabay oo Xisbiga Waddani galay isaga oo eedo culusna Ujeediyay Madaxtooyada iyo Qoyska Maamula.

Baashe Morgan ayaa sidoo kale Waxyaabaha Keenay inuu Hargeysa dhuumasho ku joogo lala xidhiidhiyay Qabriga Kuul gadiid ee kuyaala raasiga Bada Berbera oo uu jago ahaan uqaatay kuna Wareejiyay xaydaab weyn oo sees ah taas oo Beesha reer gadiid ee hargeysa Deegaanka ku ahina Balan ku qaadeen inay talaabo aanu mahadin Baashe Morgan ay ka qaadi doonaan.

 

Farah Yusuf Warsame 

Hargeysa/Somaliland 

Fahan34@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews