Culimo Awdiinka Hargeysa Oo Khudbadii Jimacaha Ee Shalay Kaga Hadlay Doorashada, Asaaxbta Qaranka Iyo Madax Dhaqameedka Somaliland Ee Qabyaalada Cad Ku Ololaynaya
October 14, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Somaliland waxa dhawaan looga dareeri doonaa Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland, taas oo ay ku tartami doonaan Murashaxiinta Xisbiyadda Waddani, Kulmiye iyo UCID.
Doorashaddan oo si weyn isha loogu hayo isla markaana ay ku gedaaman tahay Cabsi laga dareemay dhaqdhaqaaqyadda siyaasadeed ee Saddexdan Xisbi, ayaa haddana waxa barbar socota soo shaac baxa qabyaaladda Iyada oo fagaareyaasha kala duwan la isku weydaarsanayo tar sheegasho.
