Madaxtooyada Somaliland Oo Cadho Darteed Amartey In Aanu Xildhibaan Nacnac Gali Karin Gudaha Madaxtooyada
October 14, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay in laga mamnuucay in uu gudaha ugalo Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ka dib markii Khamiistii uu ku dhawaaqey in uu ka baxay xisbiga Kulmiye kuna biiray Waddani .
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in go,aankan lagu war galiyey ciidamada amaanka ee ilaaliya madaxtooyada oo la faray in aaney ogolaanin in xildhibaan Nacnac gudaha u galo madaxtooyada .
