berberatoday.com
Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilladu Maxay Qabanayaan Inta Doorashada?
October 15, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay bilaabayaan olole ay kaga hor-tagayaan in xilligan lagu jiro kala-guurka ee doorashada Madaxtooyada la galayo lagu takri-falo Hantida Qaranka, isla markaana lagu ololeeyo.

 

Guddiga, ayaa sheegay in diyaar-garowga loogu jiro doorashada Madaxtooyadu ka soo dhex-gashay Waraysiyadii ay la yeelan jireen Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Laamaha kale ee dawladda.

Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka Xildhibaan Naasir Cali Shire iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Guddigaas, ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin ilaalinta Hantida Ummadda muddada kala-guurka ah, mar ay shalay magaalada Hargeysa kula hadleen Saab TV.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ugu horreyn ka hadlaya shaqadooda, waxa uu yidhi; “Annagaa ka masuul ah Hantida Qaranka ka Guddi ahaan, waxaannu wadnaa oo noo socda hawlahayagii, maalmaha soo socdana War fiican ayaad naga maqli doontaan…”

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, waxa uu isna yidhi; “Awalba waannu waraysan jirnay Wasiirrada, oo waannu daba-geli jirnay, haddana sidii ayaannu u daba-taagannahay. Laakiin, waxa naga soo dhexgalay ololaha doorashada. Annagu aad baannu u dedaalaynaa oo waxba la hadhi mayno, haddaannu nahay Xubnihii Dadku soo doorteen ee Wakiilka ka ahaa. Shaqadayada ayaa ah inaannu mar walba soo jeedin iyo dhawaaq samayno.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews