Jidh Dilka Loo Geysto Dadka Hindida Ah Ee Ka Hawlgala Sucuudiga Oo Sii Kordhaysa !
October 15, 2017 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Haweenay u dhalatay dalka Sucuudiga ayaa waxay shaacisay muuqaalo muujinaya jidh dilka uu kula kacay ninka kafiilka u ah ee ay u shaqayso, haweenaydan oo ka soo jeeda Gobolka Banjab ee Dalkaasi Hindiya ayaa waxay muuqaalkaasi ay iska soo duubtay kaga codsatay Xukuumada dalkeeda inay arrintaasi wax ka qabato.
Sidoo kale Wargeyska Indian express ooWargesyka Himilo ka soo xigtay ayaa shaacisay in dhacdadani ay tahay tii afraad ee muddooyinkan ugu dambeeyay ay dadka u dhashay dalkaasi ee ka shaqeeya gudaha dalkaasi Sucuudiga ay ka soo cawdaan dadyawga ay u shaqeeyaan isla markaana ka masuulka ah ee u dhashay Dalkaasi Sucuudiga.