berberatoday.com
KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Dhallinyaro Iyo Aqoonyahan Kasoo Jeeda Degmada Allay-Baday Oo Ka Digo-rogtay WADDANI
October 15, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey dhallinyaro iyo aqoonyahan kasoo jeeda gobolka Gabiley, gaar ahaan degmada Allay-baday oo hore uga tirsanaa garabka dhallinyarada ee xisbiga WADDANI, kuwaas oo si rasmi ah ula midoobay xisbiga KULMIYE.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa habeen hore, isla-markaana ay ka qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirro, wasiiru-dawleyaal, siyaasiyiiin, xildhibaanno, haween, hormoodka masuuliyiinta laamaha dibadda ee xisbiga KULMIYE, dhallinyarada la soo dhaweynayey iyo taageerayaal tiro badan, ayaa lagu qaabilay masuuliyiinta cusub iyo taageerayaashooda, waxaanna laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey oo lagu hogo-tusaaleeyey guud ahaanba da’yarta ku dhaqan Somaliland.

Xubno kamid ah dhallinyarada iyo aqoonyahanka kasoo jeeda degmada Allay-baday ee xisbiga KULMIYE kusoo biiray oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay si guud ugu qanceen siyaasadda KULMIYE iyo horumarka xukuumaddu dalka ka hirgelisay, isla markaana ay go’aansadeen inay maalkooda iyo muruqoodaba geliyaan sidii uu xisbigu mar labaad talada dalka ugu guulaysan lahaa.

Guddoomiyaha waqooyiga Ameerika ee xisbiga KULMIYE Md. Mustafe Cabdi Cartan, ayaa isaguna halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa xusay inay dhallinyaradu bud-dhig u tahay guul kasta oo dhinaca siyaasadda iyo dhinacyada kale ee noloshaba laga gaadho, islamarkaana ku biiritaanka da’yarta aqoonyahanka ahi muujinayso in guusha KULMIYE soo dhawaatay.

Xubno iyaguna ka mid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin; Axmed Muumin Seed, Jamaal Cali Xuseen, Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Rooda Cabdi Muuse oo madasha lagu soo dhaweynayey dhallinyarada iyo taageerayaashooda ka hadlay, ayaa si weyn uga marag kacay inay aqoonyahankani xoog cusub kusoo kordhin doonaan xisbiga KULMIYE, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in xisbiga dhexdiisa looga baahan yahay dhallinyaro dardar qabta oo dhinacooda qabata hawlaha lagu jiro.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Md. Muxumed Aw Daahir iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Warsame oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhallinyarada iyo aqoonyahanka kasoo jeeda degmada Allab-baday ee gobolka Gabiley ku bogaadiyey go’aanka ay ku taageereen xisbiga KULMIYE, waxana ay tilmaameen inay yimaadeen madal afkaartooda iyo aragtiyahoodaba laga soo dhaweynayo.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhallinyarada u sharraxay halbeegyada laf-dhabarta u ah aragtiyaha uu xisbigu ka duulo iyo doorka da’yarta reer Somaliland looga baahan yahay, waxaana isaga oo arrintaa ka hadlaya uu yidhi, “KULMIYE haddii aynu nahay waxa aynu u soconaa inaynu qarankeena dhisno oo aynu gaadhsiino inuu caalamku ictiraafo oo qaramada adduunka ka mid noqda oo aynu iska reebno oo aynu meel cad ku soo kala hadhno innaga iyo qolada reer Muqdisho ee 20-ka sanno innaga daba qaylinaya oo aynu qarankeena midayno oo ay dhammaanba Somaliland noqoto dad wadashaqaysata oo meel u wada jeedda oo ku dhaata Somaliland oo aan ku dhaadan qabiil.”

Guddoomiyuhu isaga hadalkiisa sii wata waxa si hufan u hogo-tusaaleeyey waajibaadka saaran qof kasta oo dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah iyo weliba sida ay waajibka u tahay inay waayeel waanooyin dhaxalgal ah u hibeeyaan da’yarta, “Dadka waaweyn xil baa saaran oo ah inay dhallinyarada u sheegaan waayaha ay soo mareen iyo qaladaadkii ay soo galeen, talo ahaanna u tilmaamaan halka dantoodu ku jirto, dhallinyaradana waxa ku waajib ah inay qaataan hal-ku-dheggii ninkii Maraykanka ahaa ee Kenady la odhan jirey ee ah dalkayga maxaan u qabtaa ee aanay ka bilaabin muxuu dalkaygu ii qabanayaa,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaa ku daray “Dhalinyaradana xilka saarani waxa weeye  in ay qaataan halku dhigii ninkii Maraykanka ahaa ee  John F. Kennedy oo ah dalkayga maxaan u qabtaa ee aanad ka bilaabin dalkaygu muxuu ii qabanayaa.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in dalka Somaliland u baahanyahay dhallinyarada aqoonyahanka ah oo dalkooda nafta u hura, isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Dalkeenu wuxuu u baahanyahay aqoonyahan nafta u hura oo aqoonta uu gaarka u leeyahay dalka wax ugu qabta, Jaamacadaha Somaliland gudaheeda ah waxa ugu badan ee lagu barto waxa ka mid ah dhaqaalaha iyo IT-ga, waxaynu u baahanahay dhalinyarada dhaqaalaha taqaana oo ka talo bixisa oo barnaamijyo ku soo bandhigta xaalada dalku ku sugan yahay iyo sidii uu dalku uga bixi lahaa saboolnimada ee uu horumar dhaqaale u gaadhi lahaa. Aqoontaa lagama rabo Suldaanka iyo Caaqilka, waxa laga rabaa aqoonyahanka dhaqaalaha bartay, maaha shaqo ayaa la isiinwaayay oo waan niyad jabayaa, dabadeedna nafta ayaan haligayaa, dhallinyarada loogama baahna, laakiin waxa looga baahanyahay in ay maskaxda tuujiyaan oo ay isu tagaan oo ay keenaan afkaartii dalka lagu horumarin lahaa. Dhalinyarada waxa saaran xilkaas oo ay muruqooda iyo maskaxdooda u huraan dalka.”

Ugu dambayntii,  waxa uu tilmaamay in Somaliland ay horumar ku gaadhi karto dhalinyarada aqoonyahanka ah ee ka soo baxday jaamacadaha dalka oo soo bandhiga afkaar aqoontooda ku dhisan, “Dhallinyarada aqoonyahanka ah ee Jaamacadaha ka soo baxay ee niyad-jabsan, hadday shaydaanka iska naaraan, is urursadaan oo ay xoog noqdaan, dhibaatooyin badan oo jira ayey wax ka qaban kari lahaayeen, cusbitaalka ayey wax ka qaban lahaayeen, dadka ayey isku xidhi lahaayeen, dhallinyarada waxaan leeyahay xilku idinka ayuu idin saaraan yahay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuurriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo madasha soo afmeeray, ayaa hambalyeeyey dhallinyarada kasoo baxday WADDANI ee KULMIYE kusoo biirtay, waxana uu ku guubaabiyey inay hadaf ka dhigtaan sidii uu KULMIYE doorashada soo socota guul ballaadhan uga soo hoyn lahaa.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews