Madaxweynaha Turkiga Oo Amar Ku Bixiyay In Diyaarado Gargaar Caafimaad Sida Oo Deg Deg La Gaadhsiiyo Muqdisho
October 15, 2017 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxwayne Erdugan ayaa Amar ku bixiyay in Diyaarad Kuwa Ciidanka Gargaar Caafimaad Sida loo diro Magalada Muqdisho si loo kaalmeeyo Shacabka Dhibka kasoo Gaadhay qaraxii Maalintii shalay Ka dhacay magaalo Madaxda dawlada Somaliya ee Muqdishoo hada la sheegayo inuu dhaawacu kor udhaafay 250 ruux halka dhimashadana la sheegayo in ku dhaw 100 ruux oo muwaadiniin Somaliyeeda;
Diyaarada uu marka Ku bixiyay in Dawlada xamar la soo gaadhsiiyo Madaxweynaha dawlada Turkiga Erdugan aya la sheegay in sido daawooyin caafimaad qalab caafimaad oo loogu talagay in lagula tacaalo dadka dhibaatada dhaawacyada halista ah reebtay kasoo gaadhay qarxii maalintii shalay akdhacay aaIsgoyska Zuuba ee magalada Muqdisho oo lagu hoobtay;