berberatoday.com
Mujaahid Axmed Mire Oo Qabyaalad Cad Ku Taageeray Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Ay Isku Beel Kasoo Jeedaan Muuse Biixina Ku Eedeeyay Dagaal Ooge Dalka Baabi,inaya Hadii La Doorto
October 15, 2017 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo kamida ahaa Mujaahidiintii SNM hadana ku nool cariga dalka Ingiriiska Mudo dheer oo uu dalka Ka Maqnaan dhawaan safar gaaban kuyimi hase yeeshee dib ulaabtay Saaxada Siyaasadana aan ka hadlin jirin Inta badan ayaa Qoraal uu saaraay kaga hadlay xaalada guud ee dalka iyo waxyaabihii uu kusoo arkay mudadii gaabnayd ee uu dalka Ku sugnaa.

Mujaahid Axmed Mire ayaa qiimayn isaga ugaara oo uu sameeyay ku sheegay in dalku meel halisa marayo oo badbaadin ubaahanyahay badbaadintaasina ay ku jirto Musharaxa ay isku beesha yihiin ee Cabdiraxmaan Ciro oo la doorto isaga oo Ku tilmaamay Cabdiraxmaan Ciro Ninkii dalka Badbaadin Lahaa halka uu Mujaahid Musharax Muuse Biixi Cabdi-na Ku tilmaamay Korneyl dalka baabinaya hadii la doorto Horena xoogagii SNM ukala Qeyb Qeybiyay oo naxli iyo Cunfi kala dhex dhigay

Sidoo kale Mujaahid Axmed Mire waxa uu Ku eedeeyay Musharax Muuse Biixi Cabdi Iyo Xisbiga Kulmiye inuu Ku ololaynayo Qabyaalada iyo is xulufaysi laba Beelood oo ku midoobay Magaca Jeegaanta oo ka kala kooban Beelaha Habar Jeclo Iyo Sacad Muuse dhawaana heshiisyo Wadaaga siyaasada oo hore uga dhexeeyay shir ay Burco Ku yeesheen Ku Jadiidsaday.

Mujaahid Axmed Mire oo Qoraalkiisu umuuqday bilawga Hore Mid Nasteexo ah oo dalka iyo dadka uu uga digayo inay siyaasada Qabiilaysan Wax Ku doortaan ayaa dulucda warkiisa Laga daalacday inuu ku hadlayo shaqsi nacayb iyo Qabyaalad uu shacabka Somaliland ku guubaabinayo inay doortaan Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo ay isku beel kasoo jeedaan.

Qoraalka Mujaahid Axmed Mire Maxamed Soo saaray ayaa sidan ku bilaamay”

Bismillah Alraxmaan Alraxiim

Asalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wa salaatu wa salaamu cala Rasuuli Allah(scws)

رَبِّ اشْرَحْ لِي صَدْرِي وَيَسِّرْ لِي أَمْرِي وَاحْلُلْ عُقْدَةً مِنْ لِسَانِي يَفْقَهُوا قَوْلِي

Muddo dheer maan soo gelin Warbaahinta. Soomaalidu waxay tidhaahdaa waxaanad hurayn horaa loo yeelaa. Markaan arkaay in Waddankii meel adag marayo oo jiritaankisii daawaha saaran yahay, ayay ila noqotay inaan dadkayga la wadaago maqaalkan.

Sayid Cumar wuxuu yidhi waxaan ugu jecelahay inaan dadka wanaaga faro xumahana ka reebo, xaqqana haduu qadhaadh yahay sheego oo cadeeyo.

Muddo badan ayaan dalkayga dusha ka eegayey dhowaana waan tegay waxaan u kuurgalay dhammaan waxa ka jira. Waxa ii muuqatay inaan caqligii wali ka korin qabyaalad, qolo jeclaysi iyo qabiil ku duudsi walaalkaa hadduu dad ugu wacan yahay oo ay weli tahay wax taagen oo dhaqan noqotay. Arintaasi waxay iigu muuqatay in la mooday guul lagu faa’iiday oo ay distoorkii dalka ku qoran tahay, xeer oo dhanna ay ka mudantahay. Horumarkiina hirdan beeleed iyo shakhsi naaxin ayaa loo bedelay oo dulmi badan ayaan arkay.

Caqligii ma korin laakiin Cirro uun baa korodhay,dadkii wax uma kordhin wixii la soo maray waaba la ilaabay. Faan, islabax , isla waynaan , iyo aniga iyo naftayda cid kalena wax igama gelin iyo dhaqan burbur ayaan soo arkay. Dhaqaalihii dalka waxa loo isticmaalay sidii Hantida shakhsiga oh oo waliba aan loo miidaan dayayn, kan ku soo dhowee, kana cuna qabatee, labadan isku dir oo kala fogee, been fidin iwm. Dadkii dabaqado xaaraan ku dhisan ayaa loo qaybiyey.

Caddaaladii Geed dheer ayaa lagu laalay, Nin kula qolo ah iyo Hanti Nin leh ayaa sharciga loogu hiiliyaa, kan awood lihina wuxuu dadka ugu hanjabaa waan ku xidhi. Xaqqii mee, sinnaantii meeday haddii kan baahan ee taagta daran lagu tunto oo uu naxariis waayo, meel uu u cararo wayo, oo cid xaqqiisa uu soo celisa uu waayo, cadho Allah ayaynu halis u nahay.

Dib u eega maxaa shalayto laga dagaalamay? Ma xoog baa lagu jebiyey? Libta yaa bixiya? ilowshiiya dhowaa ma umul baa ! Xorayntii ma iskaa ka kicis bay ahayd mise iska kacsi? wixii aad shalay ka cabanaysay hadaad maanta ku faanto ma ceebaa mise waa guul haddii aad bara dhaafisana waxay muujinaysaa in wixii laga dagaalamayey aad wanaag u haysatay oo aad tiigsanaysay mar uun taas oo kale same ee aanad u haysan xumo ay waajib tahay inaad umada ka badbaadisid ubadka dambana dhaxal wanaagsan uga tagtid.

Anigu inta aan noolahay waxaan u taaganahay badbaadada dalkayga horena waan u badbaadiyey markii Nin waliba gabaday ee Dawladihii heshiis dhex maray ayaan ka badheedhay Taliyihii ciidamada SNM waan ku waayey laakiin ciidaydii baan hantiyey deyrkii laga baqayna waan jebiyey oo Burco ayaan hadh cad galay aniga iyo mujaahidiintii xaq u dirirka ahayd.

Maalintaas ayuu Siyaad Barre jabay ummaduna xornimadii urisay. iminkana aniga oo intii dalkaasi xoroobay aan xil ka qabanin waxaan u diyaar ahay inaan badbaadiyo dalkayga iyo dadkaygaba sidii ay nabad iyo midnimo ugu noolaan lahaayeen ka hawl galo sidii aan horeba naftayda ugu huray tan Allah uun baan ku badbaaday ee inaan noolaado kuma tala jirin laakiin inaan dhaxal uga tago ummadayda ayaan aaminsanaa haddana aan aaminsanahay.

Hoggaanka cusub ee kulmiye sidii uu ku soo baxay ee jujuubka iyo sharcidarrada ahayd waa idiin muuqataa, Maantana wuxuu taageerada ku raadinayaa Jeegaan iyo kala qaybin. Waxaa la burburinayaa waa Somaliland. Waxaan idiinka digayaa waar dadkii qayb-qaybiyey SNM mujaahidiinteede oo isku dir, kala qoqob iyo naxliga dhex dhigay oo horseedka u noqday dagaalkii sokeeye oo dad badan ku dhintay Hanti badanina ku luntay iyagoo maamul diid ah, kuwaasi oo qabyaaladii iyo kala qaybintii ku macaashay, ururkii SNM baabiyey maamuladii horena ragaadiyey Hantidii ummadana boobay oo maanta sidii hore iyo mid ka xun ku wada dalka ha laga feejignaado.

Maantana waxay wadaan in la baabiyo Somaliliand. Waxba yuu hadalku ila durkini waxan ku soo ururinayaa, maanta Jeegaan qabiil oo horay dad lagu dulmay in dib loo soo celiyaa inama dhaqayso qaranna ku dhismi maayo.

Taariikhdu ma lunto, Ragna waa Rag rifena yeelkii. Qabiil waxa magansada Nin aan istaagi karayn. Waxan ina soo maray waxyaalo u qaadan waa ah oo lagu celceliyo wax Qaran dumis ah oo aan faa’iido u lahayn Qaranka Somaililand. Ninkii doonaya in lagu kala tago dalka oo Nabadda dhaawaco kulmiye ha taagero. Ninkii dadkiisa iyo dalkiisa dani ka haysaana ee Nabadda iyo midnimada jecelina Waddani ha siiyo codkisa

Waxa aynu haysanaa waa nabadgelyo inaynu ilaashanaa waa waajib. Waxaan leeyahay hoggaan dhaqameedka Nabad baa la idiin doortay ee Colaad ha ku bedelina inta ku talaabsataana xag illaahay iyo ummadaba way ka dhaceen.

Culima Awdiinka waxaan leeyahay waar xaqqa u kaca oo fitnada ka hor taga oo codkiina meel walba gaadhsiiya If iyo Aakhiroba waa ku liibaanaysaan.

Mujaahidiintii horena ee dalkooda u soo halgamay waxaan leeyahay waar toosa oo xaqqa sheega oo dalka iyo dadka u hiiliya oo idinka oo eeganaya yaan dalku burburin. Qof Qaran baa ka weyn. Dadka inta Damiirkoodu noolyahay Guntiga xidha Nabadda iyo Qarankiina ilaashada.

Siilaanyona waxaan leeyahay Rasuulkii Waxyiga uu ku socday ayaa lala hadli jiray oo la toosin jiray qof aan qaldamini ma jiro,waad qaldantay markaad Muuse Biixi Waddanka dusha ka saartay oo aad ku adkaysatay. Maantana weli adiga ayaa xilka dalku saaren yahay, wixii dalka ka dhaca adigaa ka masuul ah.

Waxaan kuu sheegaya, shacbigana ku baraarujinayaa dalka u tudha. Amba Waxaad taageeri doontaan Jeegaanta Wasiirkaaga madaxtooyadu soo dhisay amba waxaad taageeri Dimoqraadiyada qof walba hal cod iyo doorasho xor ah oo xalaal ah waddankana isaga oo mid ah ka tag oo taariikh wanaagsan ku tag. Muddo kooban baa inoo hadhay taariikhduna way qori.

Wabilaahi Towfiiq

Mujaahid Axmed Mire Maxammed

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews